Kulan Balaadhan oo Dhex Maray Safaarada,Qunsuliyada iyo Jaaliyaadka 9ka Deegaan ee SANJOSE oo lagu

Los-Angeles(CN)Waxaa ka Dhacay Magaalada SANJOSE ee Cariga Maraykanka Shir balaadhan oo ay kaalin libaaxeed ay ka Qaadanayeen Jaaliyada DDSI ee ku Nool Gobolka California gaar ahaanmagaalada Sanjose Qabsoomida kulankan oo lagu Dhigayay Gudiga Jaaliyada DFI Los-angeles iyadoona ay ka soo qaybgaleen Munaasabadan Safiirka DFI u fadhiya Los-Angeles Zeriihun Reta iyo Qunsuulka Safaarada Mudana Xabiib Muxumed sidoo kalana Dhamaanba Qaybaha Qurbajoogta 9ka Deegaan oo halkaa si wadajir ah ugu hawlanaa kulanka.

Mudane Xabiib Muxumed Waxaa noo suuro gashay in aan ka dhisno Jaaliyad Cusub Magaalada San Jose Ee gobalak California, Jaaliyadaas oo hada kahor dhaqadhaqaaq iyo wadashaqayn fiican la lahayd Dawlada Ethiopia guud ahaan iyo Gaarahaanba Dawlad deegaankooda ee Somalida Ethiopia, Sidoo kalena xidhiidh fiican la lahaa Qunsuliyda Ethiopia ee ku leedahay Los Angeles, hadaba Kulankaas iyo wada tashigaas oo ay dhamaan jaaliyada DDSI meel walba oo ay joogaan ay ka yihiin hurmuud mar walbana muujiyaan fir-fircooni Ayaa war bixin guud ka siinay qodabada ay ka midka yihin, 1-DHINACA MAALGASHIGA 2-DHINACA IIBSIGA BONDHIGA-BIYO XIREENKA ABAY 3-DHINACA QAADASHADA YELLOW KAARKA QURBAJOOGTA 4-IN LA SAMEEYO JAALIYAD EE SAN JOSE IYO NAWAAXIGEEDA IYO WALIBA 5-WARBIXINTA WADANKU HEERKA UU MARAYO MAANTA. DHINACA HORMARKA, NABAD-GALYADA, MAAMULKA SUUBAN IYO NOLOSHA BULSHADA EE DDSI.

Hadaba shirkaas oo ay gob jooga ka ahaayeen Safiirka Ethiopia u fadhiya Los Angeles Mudana Zeriihun Reta iyo Qunsuulka Safaarada Mudana Xabiib Muxumed ayaa ku dhaamaaday Is afgarad wanaagsan, waxaana halkaa lagu magacaabay gudi ku meel gaadh ah oo ka koobab 6 ruux, ku was oo kali ah 1. XASSAN NUUR 2. MAXAMMED IBRAAHIN 3. CALI XUSSEN 4. BASHIR SHIEKH MAXAMMED 5. ALI ROOBLE IYO 6. AXMED HEEBAA