Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka,Warshadaha iyo Dhismaha DDSI oo Tababar Dhanka Qorshayaasha Magaalooyinka u Qabtay Xafiisyada Heer Deegaan.

Jigjiga(CN)Tababarkan oo ujeedadiisu ahayd siddii loo horumarin lahaa xidhiidhka,shuruucaha,fidinta horumarka aas-aasiga ah ee magaalooyinka, isticmaalka magaalooyinka iyo warshadaha, ilaalinta deegaanka, horumarinta dhaqaalaha cagaaran, fidinta siyaasadaha ku wajahan dhinaca biyaha, horumarinta iyo maaraynta dhulka ayaa waxaa uu xafiiska Horumarinta magaalooyinka,warshadaha iyo Dhismaha DDSI uu u qabtay Dhamaanba xafiisyada uu Khuseeyo Nidaamkan sida xafiiska jidadka, biyaha maamulka magaalada jijiga maaliyada dakhliga wakaaladaha, wakaalada quwada korontada iyo wakaalada isgaadhsiinta.

Waxaana furitaankii tababarkaa ka hadlay wasiir ku-xigeenka horumarina magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Ahmed Shugri oo sheegay ahmiyada uu leeyahay tababarkani,isaga oo tibaaxay in xukuumada DDSI oo ka duulaysa qorshayaasha horumarinta ka midka yihiin qorshaha Qarniga (MDG Qorshaha (GTP) ay siwayn u dar dargalinayso siddii loo hirgalin lahaa qorshayaashaaasi waxaa kale oo uu sheegay in mudda uu socdo tababarkani lagu qaadaan Casharo iyo Habraacyo la xidhiidha Nidaamka horumarinta aas-aasiga ah ee magaalooyinka iyada oo si balaadhan loogu falanqayn doono dhibaatooyinka iyo Caqabadaha soo wajihi kara ka midho=dhalinta qorshayaasha horumarina magaalooyinka si cadna loo soo bandhigi doono xalka iyo jihooyinka lagagaTalaabi karo hadii ay dhacaan Carqaladahaasi iyadoona si qoto-dheer Diirada loo saari dono kor u qaadida adeegyada aas-aasiga ah ee ay ka mid ka yihiin biyaha, laydhka, wadooyinka , adeegsiga iyo tilifoonada. Masuuliyiin ka socoday xafiisyada ka soo qaybgalay tababarkaasi ayaa waxay sheegeen in ay si fiican u soo dhawaynayaan tababarkani fahan buuxana ka qaadanayaan inta uu socdo ku dhaqankiisana ay hirgalinayaan.

Tababarkan oo socon doona muddo 2 maalmood ah ayaa ah mid ahmiyad wayn u leh hirgalintiisu dhamaanba shacabka iyo xukuumada DDSI