Hello Galaadi Hello Bookh Hello Mirqaan.

Hello Galaadi Hello Bookh Hello Mirqaan.

Doollo(CN)Jimce Feb-14-2014.Wararka na soo Gaadhaya iyo Mobilada ka soo Dhacaya Degmooyinka Bookh iyo Galaadi ayaa Xaqiijinaya in Gobolka Doollo loo sii Daayay isticmaalka Aalada Casriga ah ee Mobilka Degmooyinka Galaadi iyo Bookh iyo Nawaaxigooda Sida Mirqaan iyadoona ay kal joogsi lahayn Magaalada Jigjiga Telefoonada ka soo dhacaya Goobaha kor ku xusan oo ku soo Biiray Deegaanada laga hirgaliyay sanadkan Isgaadhsiinta Casriga ah sida Internetka iyo Telefoonada taasooy Qaybaha Shacabka ku dhaqan soo dhaweeyeen Bogaadiyeena Waxqabadka Xukuumada.

Isku soo wada Duuboo waxaa Hubaala in Guud ahaan 9ka Gobol iyo 48 ka mida 68da Degmo ee Deegaanku ka kooban yahay laga Hirgaliyay isticmaalka aalada casriga ah ee Mobilka iyo Internetka.