Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka,Warshadaha iyo Dhismaha oo Si Loo Horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Dejiyay Qorshaha Wadashaqaynta Laamaha

Jigjiga(CN) Jimce Feb-14-2014.Sida Qorshayaasha Xukuumadu ku wajahan yihiin Sidii Guud ahaanba Gobolada,4ta Maamul Magaalo iyo Degmooyinka looga Dhaqangalin lahaa isbedel Horumarineed iyo Kobac Dhaqaale Xawli ah ayaa ay Hadana Jigjiga Oo Ah Magaalo Kobaceedu Xawli Ku Socdo Kaabayaasha Dhaqaalena Ay Ku Faafayaan Ayaa Waxaa Dhacda In Mararka Qaar Dhismayaasha Mashaaricaha Qaarkood Ay Iska Hor Yimadaan Tusaale Ahaan Marka La Doonayo In mid ka mida Wadooyinka la galiyo ama la hoosmariyo Dhuumaha Biyogalinta ay sababayso in wadadii laamiga ahayd Dib loo jeex-jeexo.

Si Hadaba Looga Gudbo Caqabada Ayaa Xafiiska Horumarinta Magalooyinka Dhismaha Iyo Warshadaha DDSI Uu Laamaha Ku Hawlan Horumarinta Strategyada Dhaqaale Ee Isku Dhafan U Qabtay Kulan Wada Tashi Ah Oo Looga Arinsanayey In Wada Shaqeynta Laamaha Biyaha, Wadooyinka, Laydhka Iyo Isgaadhsiinta ”telecommunication” Ee kU Aadan Masharicaha Ay Fulinayaan waajib ku tahay in ay noqdaan Qorshayaashoodu kuwo isla socda oo hal mar wada jaanqaadi kara tusaale ahaan Marka Maamulka Magaaladu Rabo in uu Laami Cusub Sameeyo waa in uu ku Xisaabtamaa Qorshaha xafiiska Biyaha ee lagu Balaadhinayo Dhuumaha Magaalada.Ka Yeshaan Qorshayaal Isbarbar Socda .

Wasiirkuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magalooyinka Dhismaha Iyo Warshadaha DDSI Mudane: Axmed Shugri Cabdi Oo Ka Hadlay Furitankii Shirka Ayaa Sheegay In Magalaada Jigjiga Ayka Socdaan Mashariico Waaweyn Oo Uu Ka Mid Yahay Mashruuca Biyo Gelinta Iyo Wadooyin Waaweyn Oo Dhawaan Laga Bilaabidoono Sidaa Darteedna Laamaha Looga Baahanyahay Inay Si Cilmiyeysan Oo Aan Iska Hor Imaneyn Uga Shaqeyaan Kaabayaasha Dhaqaale Ee Isku Dhafan Ee Ay Ka Wadan Magaalada .