Maamulka Magaalada Qabridahare oo Dardar-Xoogan Galiyay Fursadaha Shaqo-abuurka Shacabka Dhanka Dhagaxa Qoran(Cobble-Stone) iyo Magaalada Qabridahar oo Bilicdeedii Sare u Kacday.

Qabridahare(CN) Jimce Feb,14,2014.waxaa magaalada qabridahar si xawli ah uga socda Dadaalo xoogan oo ay maamulka magaalada qabridahar ugu jiraan sidii loo sii dardargalin lahaa kor uqaadida Nolosha bulshada,Bilicda iyo Quruxda Magaalada,Dayactirka iyo Dhismayaasha Wadooyinka iyo waliba sidii loogu abuuri lahaa Shacabka fursado shaqo si ay Qayb muhiima uga noqdaan Horumarka balaadhan ee ay xukuumadu ka wado.

Maamulka Magaalada qabridahar ayaa iyagoo ka duulaya Qorshayaasha xukuumada DDSI ee ku wajahan Dardargalinta arimaha horumarka iyo shaqo abuurka bulshada ee m/m/qbari-dahare ayaa ay si xawli ah uga dhaqaajiyeen Horumarita wadooyinka Dhagaxa Qoran la goglo iyo uga faaiidaynta Bulshada Fursadaha Shaqo loogu abuurayo. shacabka qabridahare ayaa ka dib markii loo abuuray Fursado shaqo laguna gaashaamay aqoon iyo xirfado ay ku shaqaystaan sida Tababarada la xidhiidha barashada Qorida iyo Goglida Dhagaxa qoran(Cobble-Stone) iyadoona loo sameeyay Nidaam sharciyaysan oo iskaashatooyin loogu abuurayo taasoo wax wayn ka tartay Heerka Noloshooda iyo Dhigaalkoodaba.

Mar aanu kula xidhiidhnay Maareeyaha Maamulka Magaalada qabridahare Mudane Cabdi Xasan  Maanta ayaa uu noo sheegay In Hawlaha Balaadhinta Wadooyinka ee Magaalada Qabridahare Dhexmara ay si xoogan u socdaan iyadoona ay ka faaiidaysanayaan Iskaashatooyinka Magaalada ee Dhagaxa Qoran Gogla wadooyinka(Cobble-stone) kuwaasoo ilo dhaqaale iyo Fursado shaqo loou abuurayo.

Maareeyaha ayaa Sheegay in Qandaraasyada Noocan ah ayaa ay hada ka hor Shirkado laga leeyahay Meelo ka baxsan Gobolka Qoraxay oo shaqsi leeyhay ay qaadan jireen balse hada shacabka magaalada oo tababaro la xidhiidha Qorista iyo Goglida dhagaxa Qoran wadooyinka ayaa ay xukuumadu siisay si ay Nolosha Shacabku kor ugu soo kacdo ayuu yidhi Maareyaha Magaaladu.

Isku soo Wada Duuboo Magaalada Qabridahar ayaa ay Mashaariic waawayn ay ka socdaan iyadoona Qaarkood Dhamaadaan Garoonka Diyaaraduhuna uu Meel fiican Marayo waxaana kor u sii kacay sanadkii ugu danbeeyay Bilicda iyo Quruxda Qabridahar Farqi wayna u dhaxeeyo Qabridahar Shalay iyo Qabridahar Maanta,