Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ogaysiis Dhamaan Qurbajoogta,Jaaliyaadka iyo Ururada Qaybaha Bulshada Xidhiidhka Wakaalada Qurbajoogta.

Xukuumada DDSI Waxay dadaal dheer oo wahsi ka reebanyahay ugu jirtaa islamarkaana sii dardargalinaysaa xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay qurba joogta u dhalatay deegaanka ee ku dhaqan daafaha aduunka. waxayna 3 sanno ee ugu dambeeysay xukuumadu aas aasday wakaalada xidhiidhka qurba joogta ee DDSI oo u qabiilsan fudaydinta iyo iskudubariidka xidhiidhka qurba joogta, xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka. taasi oo kaalin mugwayn leh ka qadatay iskaashiga iyo xidhiidhka wanaagsan ee hadda ka dhexeeya xukuumada DDSI iyo qurba joogta DDSI ee ku baahsan dhamaan qaaradaha aduunka.

Hadda wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI waxay dhamaan jahliyadaha, ururada dhalinyarada, haweenka iyo gudiyada jahliyadaha ku dhaqan qaaradaha aduunka gaar ahaan xubnaha gudiga fulinta la ogaysiinayaa in ay ciwaanadooda (address) sida Emailka, fax number, po box, magacyadooda iyo tilifoonadooda(ka line ka iyo ka gacantaba) ay ku soo hagaajiyaan/diraan ciwaanka wakaalada qurba joogta DDSI oo ah. This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ama This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. si loo adkeeyo loona joogteeyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya qurba joogta iyo xukuumada DDSI islamarkaana ay wakaalada qurba joogta DDSI ugu fududadato gudbinta iyo la socodsiinta qurba joogta dhamaan qorshayaasha iyo xogaha la xidhiidha hirgalinta hawlaha horumaarka, maamulka suuban iyo nabadgelyada ee ka hanaqaday deegaanka iyo kuwa u bahan ka qaybgalka qurba joogtaba.