Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir Lagu Qiimaynayay Dhamaanba Waxqabadkii 6da Bilood ee Degmooyinka Gobolka Qoraxay oo Ka Dhacay.

Qabridahare(CN) Axad Feb-16-2014.Sida ku xusan Qorshayaasha Xukuumada Heerarkooda waxaa lagu hagaa Nidaam isa saxa iskuna qiimeeya Rubac kasta waxa uu Qabtay,Waxa u dhiman,sababta loo Qaban waayay ama nooca Caqabadaha ka hor yimid iyo Tabaha lagaga Gudbi karo taasoo ah Halbeega lagu cabiro Isdhaliilka iyo Dhaliilka Hogaaminta. Hadaba Maamulka Gobolka Qoraxay ayaa isugu yeedhay Dhamaanba Degmooyinka Hoos yimaada oo ah 5-Degmo isugu yeedhay Xarunta Gobolka ee Magaalada Qabridahare si loo Qiimeeyo Heerka Waxqbadka Dhinacyada Horumarinta 6dii bilood ee la soo dhaafay iyadoo Toorabiinka lagu eegayay Barnaamijka Kaydka Biyaha Cirka ee Reer Guuraaga xoolo-dhaqatada ah loogaga faaiidaynayo.

Masuuliyiinta Gobolka oo furitaankii kulankan ka hadlay ayaa sheegay in shirkani qimaynta diirada lagu sarayo dhinacyada hormarka nabadgaliyada iyo mamulka suban gar ahan sacterka hormarka sida;- biyaha, dakhliga, waxbarashada, cafimaadka si loga midho dhaliyo qorshaha shanta sano isbadalka kobaca dhaqalaha ee GTP ga ee uu yala dalka iyo degaanka muadadii uu kulankanii socday aya waxa lagu dhagaystay warbixinta waxqabadkii rubuca labad ee dagmooyina Marsin,Shilaabo, dhooba wayn, qabri dahar iyo shaygoosh iyadoona ay halkaasi ka soo jeediyeen godomiyayasha dagmooyinka wax yabiihi ayka qabteen dhinacyada hormarka nabad galiyada iyo mamulka suban iyadoona Suaalo laga aydiiyayDegmo kasta warbixinteeda.

isku soo wada Soohoo Maamulka Goolka Qoraxay ayaa laga Filayaa in uu Wadajir ugu soo Gudbiyo Xukuumada Warbixintii Gobolka oo Dhamaystiran.