Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Abuurka Xulka ah oo Ku Dhiirigaliyay Ganacsatada DDSI In Waxsoosaarka Dalagyada Beeraha Kor u Sii Qaadaan Suuqna uga Soo helay Sisinta Cad Shirkado Dubai ah.

Jigjiga(CN)wakaaalada Abuurka Xulka Tayaysan ee DDSI ayaa waayadanba Dadaal xoogan ugu jirta sidii ay Beeralayda iyo Iskaashatooyinka waxsoosaarka Dalagyada Beeraha ee k ajira Deegaanka Suuq Ganasi Heer Caalami ah oo ka iibsada Waxsoosaarkooda uga heli lahayd Dalalka Dibada sidoo kalana gancsatada iyo Iskaashatooyinka Dhanka Beeraha u Diyaarisa Abuur taysan oo Khuburada Cilmibaadhista Waxsoosaarka Deegaanku Xaqiijiyeen Tayadiisa Habka Beerista iyo Cimiladaba ku haboon.

Wakaalada Abuurka Xulka ah ee Deegaanka oo Kaashanaya Shirkad Wadani ah Fadhigeeduna yahay Jigjiga ayaa Suuq uga soo Helay Waxsoosaarka Dhanka Sisinta Cad eeDDSI heshiiskaasoo Tilmaamaya In ay Shirkado laga Leeyahay Wadamada Khaliijka fadhigooduna yahay Dubai ay ku rabaan 40,000 oo Kiintaal(2000Ton) oo ah Sisinta Cad ee Deegaanka.

Hadaba wakaalada Abuurka Xulka ah ayaa Iskaashatooyinka iyo Ganacsatada Deegaanka ugu Baaqaysa in ay iska soo Diiwaangaliyaan Xafiiska si loo Diiwaangaliyo iskaashato kasta Dhulbeereedka ay Haysato loogana Siiyo Macluumaad ku saabsan Habka Beerista Sisinta Cad iyo Kalsoonida Nidaamka loogala wareegi Doono dalagyadooda iyo Qiimaha laga Siisan Doono.

Sida uu noo Xaqiijiyay Maareeyaha Wakaalada Abuurka Xulka ah Mudane Cabdi-Risaq Axmed Companiyadan laga leeyahay Dubai ayaa Xafiiska Beeraha DDSI imaan doona 7bilood ka dib si ay u dhamystiraan Qodobadii Heshiiska ahaa Sida in ay kala wareegaan Deegaanka 40,000 oo Kiintaal Sisinta Cad ah una Bixiyaan Kharashkii Iibka Sisinta Cad ee hore loo wada .

Ka sakow U faaiidaynta iskaashatooyinka Waxsoosaarka Beeraha Deegaanka oo suuq Heer Caalami ah looga soohelay Company Dubai ah hadana Waxaa uu Heshiiskani soo galinayaa Dalka lacag Adag(Hard Curency).