Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Dugsi sare Ay Maalgaliyeen Qurbajoog oo laga furay magaalada Araabi ee degmada danbal.

Xukuumada deegaanka soomalida itoobiya,qurba joogta u dhalatay deegaanka ee ku baahsan Duida iyo shacabka deegaankuba waxay sanadihii ugu danbeeyay u heensaysteen in ay isbedel baaxad wayn oo Deegaanku kula jaanqaado Dunida hormartay ka taabogaliyaan Deegaanka kuwaaso ku qotoma dhinaca horumarka,Nabadgalyada iyo maamulka suuban waxayna xukuumadu dhankeeda dajisatay qorshayaal horumarineed oo diirada lagu saarayo hadba baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada ee ay ka mid ka yihiin dhinaca biyaha,waxbarashada, caafimadka,Beeraha,Shaqo-abuurka iyo kor u qaadida Guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Haddaba iyada oo ay siwayn isku soo tarayso waayadan danbe dugsiyada sare ee ku soo biiraya kuwii hore uga sii jiray deeganka ayaa waxaa maanta xadhiga laga jaray Dugsiga sare ee magaalada Araabi dugsigaaasi oo ay dhismihiisa hirgaliyeen qurba joog u dhalatay deegaanka gaar ahaan magaalada araabi ayaa waxaa xafladii furitaanka ka soo qayb galay masuuliyiin ka socota xafiiska waxbarashada ee heer deegaan oo uu ka mid yahaya agaasinka kormeerka iyo tayada waxbarashada DDSI mudane maxamed Dahir bare, madaxa xafiiska waxbarashada degmada danbal mudane C/laahi xaashi maxamed, gudoomiyaha qurba joogta hirgalisay dhismaha dugsigan sare mudane xaaji seef aw jamac, iyo qaybaha kale oo bulshada ku dhaqan magaalada araabi.

Xadhig-ka jarkii dugsigan sare oo ay si wada jir ah xadhiga uga jareen agaasinka ka socday xafiiska wabarashada DDSI maxadax xafiiska waxbarashada iyo gudoomiyaha qurba joogta hirgalisay gudgisan waxaana ugu horayntii ka hadlay madaxa xafiiska waxbarashada degmada danbal mudane c/laahi xaashi maxamed oo sheegay ahmiyada isaga oo u mahad naqay qurba joogtay hirgalisay dhismaha dugsigan sare ayaa waxa uu sheegay in ay ka degmo ahaana ka qaadanayaan kaalindooda kaga aadan tayanta iyo ilaalinta dugsigan sare.

Waxaa isaguna dhankiisa ka hadlay agaasinka kor meerka iyo tayada waxbarashada DDSI md maxamed daahir barre isaga oo ugu horayn u mahad naqay qurba qurba joogta dhistay dugsigan iyo bulshada ku dhaqan magaalada araabi oo iyagu ka qayb qaatay hirgalinta dugsigan wuxuuna sheegay agaasinku in ay tahay wax ku dayasho mudan horumarkan ay xukuumada kala qayb qaadanayaan qurba joogta u dhalatay deegaanka, dugsigana uu yahay wax balaadhan ka qaadanaya horumarka xawliga ah ee ay xukuumadu ku dalaabsatay wuxuuna wax wayn ka darayaa ayuu yidhi baahidii waxbarasho ee bulshada ku dhaqan magaalada araabi ay ku qabeen waxbarashada dugsiyada sarre iyaga oo markii hore u doonan jiray magaalooyin ka durugsan magaalada araabi taasina ay siwayn u wiiqi jiray horumarinta waxbarashada magaalada araabi. Wuxuna agaasinku tibaaxay in ay ka xafiis ahaan ka qayb qaadan doonaan wixii qabal ah ee ka dhiman gugsigan sare isaga oo u booriyay in ay siwanaagsan uga faa-iidaysaan bulshada ku dhaqan magaalada araabi islamarkaana ay ilaalshadaan dayax jirkiisa dugsigan sare.

Dhankiisa waxaa isaguna ka hadlay xaaji seef aw jaamac oo ah gudoomiyaha jahliyada ka soo jeeda magaalada araabi islamarkaana ah kuwa hirgaliyay dhismaha dugsigan wuxuna sheegay in ay siwayn uga qayb qaadanayaan horumarka ka jira deegaanka islamarkaana ay tahay tani wax qabadkii ugu horeeyay ee ay qurba joogta ka soo jeeda magaalada araabi oo hostimaada degmada danbal ka hirgaliyaan magaaladan sidoo kalena ay hadda wixii ka danbeeya ay sii wadidoonaan ka qayb qaadashada horumarka magaalada kan degmada iyo ka deegaankaba isaga oo sheegay in ay dugsigan ay qurba joogta u dhalatay magaaladan araabi ay siwada jir ah u hirgaliyen isaga oo sheegay in ay qalabayntiisa gar aah dhinaca kuraasta ay uga keeneen dalka dibadiisa kuwaasi oo ah kuraasi aad u casriya wuxuuna dhanka bulshada araabi ku booriyay in ay dayactirtaa,islamarkaana ilaalshadaan dugsigan si hufana uga faa-iidaysdaan waxbarashada uu tabin doono gudigan.

Ugu danbayntii qaarka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada araabi ayaa waxay sheegeen in ay siwayn ugu faraxsan yihiiin soona dhawaynayaa dugsigan sare ee ay walaalahooda qurba joogta ahi u hirgaliyeen waxayna sheegeen in waxtigii hore ay dhibaato aad u wayni ka haysatay dhinaca waxbarashada sare, waxayna sheegeen in ay hadda ka dib siwayn uga faa-iidaysan doonaan dugsigan sare.kana maarmidoonaan waxbarashadii ay waxkhtiga hore u tagi jireen meelaha aadka uga fog magaalada araabi.