Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Twitterkii Barcelana oo la jabsaday iyo Fariimo lagu qoray

Bogii Tiwitterka ee kooxda Barcelona ayaa habeen hore la jabsaday(ooda loo jabiyay) kadib markii 2-0 ay ku garaaceen Kooxda Man-City,waxaana kooxdii jabsatay oo isku magacaowday Milateriga Syria ee dhanka Internetka ku qoreen fariin ku socoto Barcelona una qornayd sidan.

"Ku Socota Maamulka Barcelona iska-joojiya lacagaha maalgashiga ee aad ka heshaan Dalka Qatar,waayo dhiig ayay faraha kula jiraan dalkaas oo argagaxisadda Mucaaradka Suuriya ayay taageeraan"ayaa lagu qoray fariin Mamulka Barcelona loo diray oo lagu eedaynayo inay taageeraan Mucaaradka Suuriya ee dagaalka kula jira Ciimadda Madaxweyne Bashar Al-Asad. Barcelona ayaa xayeeysiis fara-badan oo Malaayiin-doolar ku baxda ka hesha Dalka Qatar,iyagoo xayeeysiiska ugu badan ka hela shirkadda Dayuuradaha ee (Qatar-Airways)