Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waftigii Madaxwaynaha Puntland oo Laga Sagootiyay Garaad Wiil Waal Airport.

Jigjiga(CN) Khamiis FEb-27,2014. Waxaa Duhurnimadii Si diiran looga sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil-Waal madaxwaynaha Puntland iyo waftigiisii ka dib markii ay Booqasho ay 3maalmood ku joogeen Jigjiga u soo dhamaatay iyagoo Macluumaad badan iyo Documentiyo Dhinaca Qaab-dhismeedyada Dawlada,Diyaarinta Miisaaniyadaha caadiga ah iyo Miisaaniyadaha Mashaariicda iyo habka Qorshayaasha kala sii tegay Deegaanka kuwaasoo ka marag kacay intii ay joogeen xarunta Deegaanka isbadalada Xawliga ah ee laga Dhaqangaliyay.

Waftigan ayaa ay ku sii sagootiyeen gagida Diyaaradaha madaxwaynaha DDSI Mudane CMC,kuxigeenada,Afhayeenka Baarlamaanka,Guurtida Odoyaasha Dhaqanka iyo Qaar ka mida Golaha Wasiirada iyadoona Qadar ay labada Madaxwayne ku sii dardaarmayeen Qolka Nasashada Garoonka.