Cudur Daar: Macaamiishayada Qadarinta iyo Sharafta Mudan

Jigjiga(CN) Sabti August 02-2014.Waxaanu macaamiishayada sharafta iyo qadarinta naga mudan ee ku taxan daalacashada warar tebintayada meel asta oo ay dunida kaga nool yihiinba uga cudur daaraynaa qadarkii aynu hawada ku kala maqnayn maadaama uu website-ku maalmo hawada kaga maqnaa dayactir lagu samaynayay.

hadaba waxaanu idiin balanqaadaynaa in aanu sidii aad horey nooga barateen in aanu idinka haqabtiri doono wararka xaqiiqda ku salaysan ee deegaanka,dalka iyo caalamka kuwaasoo u kala baxa Qoraal iyo muuqaalba.