Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Ayaa Kulan Balaadhan Oo Dar-dargalin Ah Layeeshay Maamulada Kala Duwan Ee Gobolada, Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka, Kaasoo Ka Dhacay Madasha Shirarka Ee Q/Dhoodaan.

Jigjiga(CN) Sabti-02-Aug-2014, Xukuumada DDSI ayaa ku hawlan sidii ay u dar-dar galin lahayd hawlaha horumarineed ee qorshayaasha dhaadheer iyo kuwa dhawba. Xukuumadu waxay sanadba sanadka ka danbeeya kor u qaadaa tirada iyo tayada hawlaha mashaariicda horumarineed oo cashir ahaan looga qaato waxa laga barto sanadka taga.

Waxaa shalay madasha Qaryaan Dhoodaan ka dhacay shir balaadhan oo ay shir-gudoominayeen hogaaminta ugu saraysa DDSI uguna horeeyo Madaxwaynaha DDSI oo lagu dar-dargalinayay qorshayaasha sanadka cusub ee 2007 T.I kaasoo ay kasoo qaybgaleen maamulada magaalooyinka, Gobolada iyo degmooyinka ee DDSI.

Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayntii ku bilaabay ajendaha shirka faahfaahin dheeraad ahna kabixiyay yoolka ay xukuumadu hiigsanayso iyo sida ay muhiim u tahay in lasii xoojiyo guulaha waawayn ee lagu gaadhay kasbashada shacabka iyo dadaalka xukuumada. Madaxwaynaha ayaa maamulada kaladuwan ee kasoo qaybgalay shirka u sheegay in sanadkan diirada lasaarayo dar-dargalinta qorshayaasha iyo dhinaca tayada mashaariicda iyo adeeeg-bixinta. Madaxwaynaha ayaa soo dhahaweeyay dhinacyada adag ee dadaalka dheer lagaliyay isagoo dhinacyada liitana talo-bixin sixitaan ah kabixiyay. Wuxuuna sheegay in loobahanyahay in si dhakhso ah loogu dhamaystiro mashaariicda qorshaysan ee 2007-da sidoo kalena lasii xoojiyo kor u qaadista tayada adeeg bixinta.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud oo qorshayaasha dhinacyo badan ka hadlay ayaa maamuladii gobolada, magaalooyinka iyo degmooyinka faah faahin uga bixiyay qorshaha laga rabo sanadkan dhinaca bulshada iyo adeeg bixinta kala duwan ee shacabka. Wuxuuna kahadlay in ay maamuladu doorkooda ay ka qaataan adeegbixinta maxakamadaha shacabka iyo booliska shacabka oo muhiim u ah bulshada.Waxaana hadaladii Madaxwaynaha ka mid ahaa "Waa in argati-shacab lagu shaqeeyo xoogana lasaaro tuulooyinka iyo shacabka reer guuraaga ah, ma aha in magaalooyinka uun xooga lasaaro. Waa in la xoojiyo dabagalka tayada xarumaha caafimaadka iyo iskuulada. Waxaana masuul ka ah maamulada degmooyinka in ay kor u qaadaan hab-sami u socodka shaqooyinka adeeg bixinta xarumaha kala duwan, sidoo kale waa inay heer deegaan qalabyada ka caawiyaan iyo doorkooda."

Afhayeenka Baarlamanka DDSI Mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa sidoo kale kahadlay dardargalinta qorshayaasha xukuumada ee sanadka 2007-da isagoo sheegay in qorsha walba uu ku salaysanyahay baahida shacabka islamarkaana loo baahanyahay kasbashada shacabka oo ah mida koobaad ee hirgalisay guulaha ay maanta gaadhay DDSI. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isku filnaanshaha lagu gaadhay waxsoosaarka iyo dakhliga taasoo u baahan in markasta lasii laba jibaaro dadaalka.

Maamuladii magaalooyinka, gobolada iyo degmooyinka oo iyaguna ka hadlay shirka ayaa soo dhaweeyay dar-dargalinta qorshayaasha sanadka cusub iyagoo balan qaaday in ay sii xoojinayaan dadaalkooda ku aadanaa hawlaha horumarka iyo guud ahaanba adeeg bixinta.

Shirkan oo arimo badan lagaga hadlay arimo badan oo horumarka ah ayaa diirada saarayay in mashaariicda lagu dhamaytiro si dardar galin ah iyadoo xoogana lasaaray dadaalkii ku adaanaa tayada iyo in aragti-shacab markasta lagu shaqeeyo.