Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wakaalada Dakhliga Deegaanka oo Fagaare Wadatashi uga Furtay Magaalada Jigjiga Dhamaan Wakaaladaha dakhli iyo Maaliyadaha ee Degmoyinka,Gudomiyayasha 9ka-Gobol iyo 4ta Ismaamul Magaalo.

Jigjiga(CN) Axad August 03-2014.Waxqabadka bar-bilawga xukuumada deegaanka ee sanadkan 2007 ayaa ah kuwo xooga saaraya taabogalinta Qorshayaasha iyo siiyaalada Horumarineed taasoo ay xukuumada, qaabdhismeedyada ilaa heer tuulo iyo qayabaha bulshada deegaanku ay gabagabadii sanadkii tegay ee 2006 ay sal mugii uga wada munaaqashoonayeen baaxada waxqabadku gaadhsiisan yahay, dal-daloolooyinkii jiray iyo tabaha kor u qaadida isbedelada Horumarka, N/galyada iyo maamulka suuban.

Sanad-miisaaniyadeedkan ayaa ay DDSI qoondaheeda miisaaniyadeed kor u dhaafayaa 6.5 Billion taasoo ah miisaaniyadii ugu badnayd ee uu Deegaanku helo si uu Deegaanku u sii ambaqaado isbedelada horumarineed,N/galyo iyo maamul saxar tiran ee uu hiigsanayo, halka sanadkii tegayna laga soo xareeyay guud ahaan DDSI dakhligii ugu badnaa abid ee laga soo xareeyo canshuuraadka ku waajibay ganacsatada,machaashal-macaashka, dhulka, hayadaha aan dawliga ahayn,beeraha iyo noocyada kale ee canshuurtu ku waajibtay iyadoona ay hada ka hor ku baaqan jirtay ama ay dhibaatoka jirtay nidaamka isu-dheelitirka xisaabeed waxaana la jideeyay xoojinta canshuuraadka nidaamka habka VAT-ka lagu qaado oo mashiino casri ah la dhigay goobaha macaamilka ganacsigu ka socdo.

Hadaba kulan uu soo diyaariyay Wakaalada Dakhliga heer deegaan ayaa waxa uu ka dhacay madasha shirarka ee machadka maareynta DDSI iyadoonashirkan ay dulucdiisu ahayd sidii qorshaha Dakhli ee sanadka cusub 2007t.i ku wajahan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa islamarkaana loo sii dardargelin lahaa qorshaha iyo nidaamyada dakhli ururinta si looga midho dhaliyo jadwalka waxqabadka xukuumada gaar ahan wakaalada dakhli u yaala sanadka 2007.

waxaana kulanka lagaga wada dooday qorshaha cusub ee wakaalada dakhligu usoo bandhigtay maamulada xafiisyada iyadoo la isla qaatay inla dhaqangelin doono qorshaha cusub ee dakhliga kor loogu qaadayo aadna ay usoo dhaweyeen.

Kulankan wadatashiga qaabdhismeedyada Dakhliga iyo Maaliyada Heer Deegaan, Heer Gobol,Heer Degmo ilaa Maamul-magaalo ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay mareeyaha wakaalada dakhliga DDSI Mudane: Yasiin Cumar oo warbixin waafiya ka siiyay natiijada waxqabadka dhinaca dakhliga deegaanka,dulduleeloyinkii jiray iyo noocyada canshuuraadka ku waajibay Ganacsatada iyo Macaamilkaba.Masuulka ayaa bayaamiyay qorshaha dakhliga ee xafiiska u yaala sanadkan iyo qaybaha culayska uu saarayo sida shuruucda iyo xeer-nidaamyeedyada canshuurta ku cad kuna xusan bayaanada Heer federal,deegaan iyo Nagarit gazeta.

Mudane yaasiin ayaa bogaadiyay sidii loogu hagarbaxay soo xaraynta canshuuraadka dakhli sanadkii tegay oo cadad u dhigma qoondihii la rabay lagu soo xareeyay taasoo dabooshay dhamaanba mashaariicii horumarineed ee Munaasabadii Hidar 29 ee ka dhacday caasimada deegaanka ee magaalada jigjiga islamarkaana lagaga wada marag kacay waxqabadka iyo dadaalka xukuumada DDSI ay ku talaabsatay mudadii yarayd kuna booriyay hawl-wadeenada iyo heerarka madaxda ka soo qaybgashay kulan-wadareedkan in ay sii laban laabaan waxqabadkooda ku aadan adeeg-bixinta shacabka iyo waajibaadka shaqo ee loo idmay si loo xaqiijiyo sidii natiijo wax ku ool ah looga keeni lahaa soo xaraynta ilaha dakhli ee ku suntan qorshaha sanadka 2007.T.I islamarkaana ay Maamulada Gobolada,Degmooyinka iyo Maamul Magaalo ugu guntan lahaayeen kobaca dakhli ayuu yidhi masuulku.

Dhanka kale ku-xigeenka wakaalada ayaa sii adkeeyay warbixintii iyo awaamiirtii qorshaha dakhliga ee uu soo jeediyay maareeyuhu isagoona si la mida kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha in ay noqdaan kuwo ku sifooba kuwo had iyo jeer u heelan gudashada hawlaha shaqo ee loo idmay xil adagna iska saara ilaha dakhliga iyo soo xaraynta canshuuraadka ku waajibay.

Waxaa xusid mudan in Xuskii maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya ee sanadkii tegay ay martigalisay DDSI in ay kaalin lixaad leh qabsoomidiisa ka qaaadatay miisaaniyadii dheeriga ahayd ee laga soo xareeyay Ilaha Dakhli iyo ganacsiga kuwaasoo hore xil adag aan la iska saari jirin iyadoona dhawaan dib loogu soo celiyay wakaalada mudane Yaasiin Cumar oo hore uga ahaa Kuxigeen aqoon dheerna u leh nidaamka dakhliga iyo shaqada wakaalada dakhliga deegaanka.

Gunaanadka iyo Gundhiga ayaa ku qotoma in kulankani ahaa sidii qorshaha waxqabadka u yaala wakaalada Sanadka Cusub ee 2007.T.I kor loogu qaadi lahaa,islamarkaana loo dardargelin lahaa hirgalinta qorshaha cusub ee jaantusyada dakhli ururinta iyadoona mudadii uu socday la isla qaatay in lasoo xareeyo dakhligii loogu talagalay in ay ka soo xaroodaan maamulada heerarkooda kala duwan ee kasoo qaybgalay shirkan lagu falanqaynayay Arimaha dakhliga iyo waxqabadka ku aadan sanadkan.