Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Hay'ada’ SEWD FOUNDATION ee Xarunteedu Tahay MN ayaa Soo Gaadhsiisay Isbitaalka Meles Zenawi Memorial Hospital Shixnad Ka Kooban Noocyada Qalabka Caafimaadka.

Hay'ada’ SEWD FOUNDATION ee Xarunteedu Tahay MN ayaa Soo Gaadhsiisay Isbitaalka Meles Zenawi Memorial Hospital Shixnad Ka Kooban Noocyada Qalabka Caafimaadka.

Jigjiga(CN) Isniin August 04-2014. Shaki kuma jiro in xukuumada maanta haysa talada deegaanka in ay isbedelo iyo horumar baaxad wayn ka taabogalisay Deegaanka ka aradnaan jiray adeegyada aasaasiga u ah nolosha Bulshada oo ay wixii ka horeeyay Xukuumadan ayba quus ka taagnaayeen kadib markii ay isugu xig-xigeen xukuumado iyo maamulo fadhiid ahaa oo ay shacabweynaha ku dhaqan Degmooyinka fog fog iyo dhawba maqal uun ku ahaan jirtay Maamul jigjiga fadhiya ayaa jira balse 4tii sano ee ugu danbeeyay ayaa ay garwaaqsadeen qaybaha bulshada deegaanku faaiidooyinka isugu jira Horumar,N/galyo,Maamul saxar tiran iyo kobcinta Nolosha Shacabka ee umadi ka heli karto hadii ay Hogaamin cadaaladeed,hogaamin aragti dheer,hogaamin ay ka go'an tahay ka jawaabida baahiyaha shacabka iyo hogaamin danahooda gaarka ah ka horumariya danaha shacabkooda.

Xukuumadan ayaa ka sakow isbedelada Horumarineed,N/galyo iyo maamul suuban ee ay guulaha waawayn mudo kooban si siman ugu gadaantay 9ka Gobol,68da Degmo iyo 4ta maamul magaalo ayaa hadana natiijooyin wax ku oola ka keentay qurbajoogta ku baahsan 5ta qaaradood ee dunida ka dib markii ay socdaalo dhaadheer ugu jarmaaday si ay si la mida qaybaha shacabka DDSI ay fagaarayaal ku ajahnaa wadatashi,isdeeqsiinta waaqica xogaha dhabta ah ee deegaanka,dibindaabyooyinka nabad-diidka iyo ka faaiidaysiga baylahda Fursadaha dimoqraadiyadeed ee Itoobiyada Maanta lagana dhaxlay halgankii bahwadaagta EPRDF.

Wixii intaa ka danbeeyay ayaa ay Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI meel kasta oo ay joogaanba isuguna jiray kuwo ay maqal uun ku ahayd Deegaanka soomaalida itoobiya oo aan arag kuna dhalan,qaar iyagoo sabi ah ka tagay Deegaanka,Qaar ka hayaamay xiliyadii cadaadiska lagu hayay shacabka soomaalida itoobiya una taagan tahay amxaaro iyo qaar ku sahwiyay ama ay hafiyeen Beentii iyo mala-awaalkii UBBO ay mukhuursiisay balse Socdaaladii Qarniga ee ay Madaxwaynaha DDSI iyo xukuumadiisu ku tageen 5ta qaaradood ayaa Daahfur u noqday Qurbajoogta islamarkaana ay xaqiiqsadeen in uu Deegaanku u baahan yahay kaalintooda si ay u sii badhigantaalaan Xukuumada ugu gacanhaadisay dhulkooda hooyo iyo gaadhsiinta horumar iyo nabad lagu lado oo kafeeya shacabweynaha DDSI.

Hadaba Nuxurka ayaa ah in Hay'ada gargaarka ee lagu magacaabo SEWD Foundation ay askumeen labo gabdhood oo ka soojeeda Qurbajoogta Deegaanka kuna nool Cariga maraykanka gaar ahaan Minniapolise kuwaasoo maskax ahaan iyo muruq ahaanba isugu bahaystay sidii ay kaalin mugwayn uga qaadan lahaayeen Horumarka ka hanoqaaday DDSI islamarkaana gargaar iyo gacanqabasho ugaga gaysan lahaayeen Agoonta iyo caruurta daranyadu hayso iyagoona marar badan Deeqo iyo gargaar isugu jiray Qalab caafimaad,qalab waxbarasho iyo dharba soo gaadhsiiyay xiliyo kala duduwan xarunta Deegaanka ee Magaalada Jigjiga halka ay dhawaana deeq ka koobnayd dhar ay ku gudoonsiiyeen MN Qaxooti soomaali ah oo laga kaxeeyay Q/bayax. Hadaba SEWD FOUNDATION ayaa soo gaadhsiisay Container deeq ah oo koobnaa Qalab Caafimaad casri oo ay ugu soo talogaleen in lagu qalabeeyo Isbitaalka wayn ee Meles Zenawi Memorial Hospital ee laga dhisay magaalada Jigjiga islamarkaana ay hay'adu ku wareejisay la wareegida mulkiyada Qalabka caafimaad xafiiska Caafimaadka DDSI kalana wareegay wasiir ku-xigeenka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Siciid oo aad ugu mahadceliaya dadaalka wadaniyadeed ee ay Gabdhaha SEWD la garab taagan yihiin mar kasta DDSI iyo shacbkoodaba islamarkaana ay Deeqaha kala duduwan iyo qalabyada casriga ah u soo gaadhsiiyaan deegaanka kuwaasoo kaalin wayn ka qaata Horumarka loona baahan yahay in ay Qurbajoogta kale kaga daydaan ayuu yidhi.

Containerka qalabka lagu waday ayaa ay hay'adu toos uga soo rareen cariga maraykanka magaalada minneapolis ee gobolka minnesota iyadoona ay munaasabadii lagula kala wareegay Qalabkan ay hay'ada u joogtay Marwo Ardo Sheekh oo ka tirsan masuuliyiinta SEWD islamarkaana ay tilmaantay in ay aad ugu faraxsan tahay Horumarka baaxada wayn iyo isbedelada ka taabogalay guud ahaan deegaanka sidoo kalana ay ku faraxsan tahay in ay deegaankeedii ay soo gaadhsiisay Deeq caafimaad. marwo ardo ayaa u mahadcelisay xukuumada iyo Qurbajoogtii kaalinta fiican ka gaystay sidii qalabkan loo soo gaadhsiin lahaa deegaanka.

Isku soo wada duuboo ma aha markii ugu horaysay ee ay hay'ada gargaarka SEWD Foundation soo gaadhsiiso Deegaanka deeq Qalab waxaana ka horeeyay Container Deeq qalabka waxbarashada ah iyo dhagx dhigidii dhismaha library-ga Dugsiga agoonta.