Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI iyo Wafti Balaadhan oo Mashaariic Dhanka Biyaha ah Xadhiga Ka Soo Jaraya. waxaa saaka u ambabaxay Degmada yoocaale ee Gobolka jarar

Jigjiga(CN) Talaado August 05-2014. madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayeen Afhayeenka Baarlamaanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq,wasiiro uu ka mid yahay Khadar Cabdi iyo odoyaasha jarar halkaasoo uu madaxwaynuhu uu sida la filayo xadhiga ka jari doono mashaariic dhanka biyaha ah oo la dhamaystiray sida Ceel-biyoodka gunta dheer ee laga qoday Degmada Yoocaale.

Intii ay xukuumada maantu jirtay waxa ay muhiimada 1aad,2aad,3aad,4aad iyo 5aadba siisay dhanka biyaha oo ay dhamaan inta badan gobolada iyo degmooyinka deegaanka haysatay dhibaato biyo la'aaneed iyadoona ceelashii ugu dheeraa loo qoday shacabka sidoo kalana deegaano quus ka taagnaa helida biyo nadiifa ay wakhti xaadirkan ku jiraan biyoow batalaq.

aynu ka wada dhursugno sida ay madaxwaynaha iyo waftigiisu u gudagalaan hawlaha shaqo iyo xadhig ka jarida mashruuca biyaha yoocaale ee ay ku tageen degmada yoocaale ee Gobolka Jarar.

faahfaahinta iyo sawiradaba dhawaan fisha.