Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir Wada-tashi ah oo Los-Angeles ku Dhexmaray Jaaliyaadka DFI iyo Wafti uu Hogaaminayay Madaxwaynaha DFI>

Los Angeles(CN) Talaado August,05,2014.Waxaa maalintii sabtida ka dhacay magaalada Los Angeles ee Gobolka California ee Carriga Mareykanka shir wada tashi iyo kala war-qaadasho dhex maray Jaalliyadaha Itoobiya ee ku nool Gobollada Xeebaha Galbeed (California, Oregon, and Settle) ee dalka Mareykanka iyo wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Itoobiya H.E. Dr. Mulatu Tashoma oo ay wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Tewedros Adahanu. Wasiirka Beeraha Ato. Tafara Deribo iyo Wasiirka Warfaafinta, Xidhiidhka iyo Arimha Dawlada, Ato. Rudwan Xussen,.

Shirka ayaa waxa uu ka dhacay Hoteelka Inter-continental ee magaalada Los Angeles. Shirkan ayaa ay si heer sare ah qabsoomidiisa ay u soo qaban qaabisey Qunsiliyadda Itoobiya ay ku leedahay Magaalada Los Angeles.

Jaaliyadaha Shirkan ka soo qaybgalay ayaa ay si fiicana uga dhex muuqdeen Jaaliyaadka Somaalida Ethiopia ee ku nool Magaalooyinka, Los Angeles, San Diego, San Jose iyo Seattle, iyagoona waydiiyay Wafdiga Federalka ahaa Su’aalo dhaxal gal u ah Deegaanka Soomalida, oo ay ka mid ahayeen, maadaama uu Baaxada dhulka soomaalida itoobiya yahay Qoomiyada labaad in Dawlada Federalka ahi ay sii labanlaabto dadaalka waxqabadka Deegaanka dhinaca Infrastructure-ka ay isbadal ka sameeyaan, sida Garoonada Diyaaradaha, wadooyinka lamiga ah, Quwada korontada 24-ka saac iyo in la dhamaystiro gaadhsiinta degmooyinka aan weli helin , Telephonada gacanata iyo midka line-ka ahba.

Sidoo kale Jaaliyaadku waxay ka codsadeen Wafigii In GTP-2 ama Growth and transformational Plan phase 2, in deegaanada ay soomalidu ka mid yihiin in la siiyo muhiimada, taas oo waftigii ay ka aqbaleen.

Ugu danbayntii ayaa waftigii iyo Jaaliyaadku isku afgarteen in Qurbajoogtu wadankooda maalgashi ku sameeyaan, kana qayb qaataan Hormarka nabadgalayada iyo Isbadalka dhaqan dhaqaale, kaas oo ay balan qaadeen dhamaan Jaaliyadaka ka ssoo Jeeday Ethiopia oo ay ugu horeeyaan Jaaliyaad Soomalida.