Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Deg-Deg: Shir Ay Yeesheen Hogaaminta Sare Ee Xisbiga DDSI Ayaa Badal Lagu Sameeyay Wasiirkii Madaxtooyada Iyo Madaxii Xarunta Dhexe Ee XDSHSI.

Jigjiga(CN) Jimce-08-Aug-2014, Waxaa goor dhawayd shabakada Cakaaranews kasoo gaadhay xarunta Madaxtooyada DDSI xog sheegaysa Badalka Wasiirkii Madaxtooyada Mudane C/casiis Maxamed Cabdi iyo Madaxii Xarunta Dhexe Mudane C/kuus Cabdulaahi Saleebaan, iyadoo loo magacaabay mudane C/casiis Maxamed Madaxa Xarunta Dhexe ee X.D.SH.S.I halka mudane C/kuus cabdulaahi loo magacaabay Kuxigeenka Wasiirka Madaxtooyada DDSI.

Magacaabista iyo badalka masuuliyiintan ayaa waxaa ka danbeeyay shir ay dhawaan yeesheen hogaaminta sare ee Xisbiga kaasoo lagu go'aamiyay magacaabista badalka xilalkii ay hayeen labada xubin oo iyagu kamid ah xubnaha ugu firfircoon ee capinetka xukuumada DDSI.

Wasiirkii Madaxtooyada Mudane C/casiis Maxamed ayaa madaxtooyada kasoo shaqeeyay in kabadan 2 sano isagoo horay usoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid ahaayeen maamulka magaalada Godey. Mudane C/casiis Maxamed intii uu joogay madaxtooyada wuxuu soo qabtay shaqooyin badan oo muhiim ah gaar ahaan dhinaca horumarka islamarkaana wuxuu kaalin libaax ka qaatay fulinta qorshayaasha horumarineed ee ay xukuumadu guulaha ka gaadhay. Wuxuuna haatan noqday Madaxa Xarunta Dhexe ee X.D.SH.S.I.

Sidoo kale Madaxii Xarunta Dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya Mudane C/kuus Cabduaahi oo haatan loo magacaabay Kuxigeenka Wasiirka Madaxtooyada ayaa hada kahor kasoo shaqeeyay isla xilkan maanta loo magacaabay. Wuxuuna kamid yahay xubnaha fir-fircoonida leh ee capinetka xukuumada DDSI. Labada masuul waxay kamid yihiin dhalinyarta da'da yar ee shaqooyinka iyo xilalka muhiimka ah ka haya Deegaanka Soomaalida Itoobya.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay xukuumadu samayso isbadalka maaacabista masuuliyiinta, balse waxay tani kamid tahay qorshayaasha iyo hawl qaybsiga lagu dar-dargaliyo dadaalka dheer ee ay wado xukuumada maanta talada haysa oo iyado kaga duwan xukuumadii hore dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee Degaanka Soomaalida Itoobiya. Waxayna xukuumadu guulahaas ku gaadhay isbadalka guud ee ay samaysay oo ay kamid tahay cududa maddaalaanka dhalinyarada aqoonta leh ee hadh iyo habeen u taagan shaqooyinka horumarka deegaanka.