Axmed Maxamed Maxamuud Oo Ka Mid Ah Qurbajoogta U Dhalatay Deegaanka Ayaa Agab Dhinica Ciyaaraha Ah Gudoonsiiyay Komoshineerka Ciyaaraha DDSI.

Jigjiga(CN) Sabti-09-Aug-2014, Laga soo bilaabo xiligii ay xukuumada DDSI  hirgalisay xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya qurba joogta u dhalatay deegaanka iyo DDSI, waxaa maalinba maalinta ka danbaysa si balaadhan isku soo taraya kala qayb qaadashada xukuumada dhinaca horumarka n/galyada abuurida ilaha shaqada, kor u qaadida koboca dhaqaalaha iyo kobcinta dhinaca abaabulka ciyaaraha dhalinyarada ee guud ahaanba deegaanka.

Haddaba waxaa maalintii shalay agabka dhinaca ciyaaraha (sport) ah gaadhsiiyay xafiiska komishineerka ciyaaraha DDSI Axmed Maxamed Maxamuud oo ka mid ah qurba joogta u dhalatay deegaanka. Agabka oo isugu jiray noocyada kala duwan ee dirayska loo adeegsada ciyaaraha kala duwan sida dharka, kubadaha, kabaha iyo qalabyo kale oo ku haboon ciyaaraha kala duwan. Ayaa waxaa agabkaasi ka gudoomay komoshineerka ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile oo ka warbixiyay ahmiyada uu agabkani u leeyahay kor u qaadida tayada ciyaaraha DDSI.

Wuxuuna si wayn uga warbixiyay komoshineerku, kaalinta muga leh ee ay qurba joogta u dhalatay deegaanku ku leeyihiin kor u qaadida iyo tayaynta dhinaca ciyaaraha. wuxuuna sheegay in ay guud ahaanba dhinaca ciyaaradah kala duwan ee deegaanka ay meel aad u saraysa marayaan ayna guulo waawayn ka soo hooyaan markasta ciyartoyda deegaanka ciyaaraha heer fadaraal. Dadaalada aan halkaasi ku gaadhnayna kaalin sare kaga jiraan qurba joogta u dhalatay deegaanku, isaga oo siwayn ugu mahad celiyay ahmed maxamed sida wadani nimada leh ee xilka uu isku saaray.

Dhankiisa mudane Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu u gudoonsiiyay agabkan komoshinka ciyaarada DDSI isaga oo ku macneeyay in ay tahay sidii uu dhankiisa u xoojin lahaa horumarka xawliga ah ee dhinaca ciyaaraha DDSI isaga oo ku booriyay qurba joogta kale ee u dhalatay deegaankuna in ay si meeqaan sare ah uga qayb qaataan kobcinta iyo kor u qaadida dhinaca ciyaaraha DDSI.