Xafiiska maaliyada iyo Horumarinta Deegaanka oo Diirada saaray Madax-waaxeedyada Qorshaynta ee Xafiisyada Heer Deegaan.

 Jigjiga(CN) Sabti August 09-2014. Xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ddsi oo ka duulaya qorshayaasha kala duwan ee xafiiska u dajisan iyo siiyaalada Horumarka iyo kobaca dhaqaale ee u dejisan Dalka ayaa waxa uu bilaabay Bixinta Tababaro iyo Wadatashi ku wajahan Madax-waaxeedyada xafiisyada heer deegaan iyo shaqaalaha iyo xisaabiyayaaasha idman ee xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta DDSI ,sidoo kalana masuuliyiinka Maaliyadaha Degmooyinka.

Xafiiska ayaa ugu qabtay hoolka shirarka ee machadka maaraynta 90 xubnood oo ka mida xisaabiyayaasha idman iyo madaxda waaxaha qorshaynta ee xafiiska iyo xafiisyada heer deegaan iyadoona furitaankii uu kula hadlay ka soo qaybgalayaasha ku-xigeenka xafiiska Mudane Mubashir Dibad Raage isagoona sharax ka bixiyay ujeedooyinka laga leeyahay kulamadan iyo tababarada kobcinta aqooneed ee la siinayo hawl-wadeenada iyo masuuliyiinta kuwaasoo qayb ka ah tayaynta Maamulka suuban iyo ka midho-dhalinta Qorshayaasha iyo hindisaha kobaca dhaqaale ee deegaanku hiigsanayo sanadaha Dhaw,Dhexe iyo Siiyaalada Fogba.

Warka ayaa intaa ku daraya in mudada uu socdo Kulankani si qotodheer loogu lafaguri doono Qorshayaal door ah iyo nidaamyada Qulqulka maaliyadeed oo ay ka mid yihiin taabogalinta Qorshaha Horumarineed ee sanadka 2007.T.T.I iyo xaqiijinta,isla-xisaabtanka iyo sii dardargalinta waxa ka qabsoomay Qorshihii 5ta sano(SPM) ee u yaalay Deegaanka wixii ka qabsoomay 4tii sano ee la soo dhaafay,buuxinta dulduleelooyinkii jiray iyo u diyaargarawga Qorshaha xiga ee 5ta sano kaasoo bilaabmi doona sanadka 2008.T.T.I.