Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ila Qosol: I Love u Three

London(CN) Talaado August 12-14. Waxaa ka dhacday Magaalada London ee Cariga ingiriiska sheeko qosol badan oo ku dhexmartay nin barbaar ahaa oo ka tegay Deegaanka iyo gabadh cadaan ah oo ay deris ahaayeen.wiilkan ayaa la dhacay quruxda gabadha ingiriiska ah maalintii dhawr jeerna ku salaami jiray agagaarka xaafada balse waxaa u dheeraa in uuba jeclaaday oo uu ku dhici la'yahay in uu u sheegto jacaylkiisa balse maalin maalmaha ka mid ah ayuu isa soo calool adkaysiiyay markaasuu jidka gabadhii u istaagay salaan ka duwan kuwii horena ku salaamay.

Salaanta maalintan oo ka duwanayd kuwiisii hore ayaa uu u raaciyay odhaah kale oo tilmaamaysay muxubada jacayl ee uu u qabo biibida una dhacday sidan:- Wiilkii ayaa ku yidhi gabadhii ingiriiska ahayd I Love You (Waan ku jeclahay) gabadhii ayaa ugu jawaabtay I Love you Too (aniguba waanku jeclahay) balse wiilkii jawaabteedu micno kale ayay u samaysay (I Love u Too) oo wuxuuba mooday in ay ku tidhi anigaa labo jeer kaa daran markaasuu darandoori ugu soo celiyay odhaah kale oo tilmaamaysay in uu isaga jacaylkiisu ka sii sareeyo yidhina I Love You Three kkkkkkkk. Too ayuu wuxuu u fasirtay Two kkkkkk.