Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Horaa Loo Yaqiinsaday Loona yidhi Waa Loo Kala Horayn Mooyee Waa La Wada qaadan Nabada Yuusuf ahmed maxamed oo hore u ahaan jiray Been-Quutayaasha UBBO oo Maanta Macluumaad Badan Ka Dib.

Jigjiga(CN) Isniin August 11,2014. Dadka falanqeeya Siyaasada Geeska afrika ayaa horay daraasaad ay ka sameeyeen fursadaha dimoqraadiyadeed ee uu Deegaanku ka dhaxlay Itoobiyada maanta iyo isbedelada iyo horumarka baaxada wayn ee si siman xawliga uga socda guud ahaan gobolada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay DDSI islamarkaana ciidamada gaarka ah ee Liyuupolice u hanteen guud ahaan Amniga iyo xasiloonidaa Gayiga ayaa hadhaaga UBBO ku tilmaamay in ay hal-hal ugu soo hooban doonaan qaadashada tubta Nabadgalyada iyo Toobada waana mid ay daliil u tahay sida ay sanadihii ugu danbeeyay ay xubnihii UBBO kali kali iyo wadar ahaanba saxaafadaha kaga hadlayaan in ay ka tanaasuleen aragtidii Dhaan dabangaale ee UBBO.

Hadaba Yuusuf Ahmed Maxamed oo mudooyin badan dhex muquursanaa mala-awaalkii iyo argatidii huwanayd beenta ma dhalayska ah ee ay isku madadaalin jireen afarta ka dhigan jiray dhiiga shacabka quutal daruuriga islamarkaana ahaan jiray gudoomiyaha ururka OYSU ee wadanka Sweden ayaa xaqiijiyay in uu xaqiiqda iyo horumarka nabadeed u soo noqday kana tanaasulay Riyadii Socod ku khuurinta iyo Caqli-talaagadka UBBO.

Yuusuf ahmed maxamed oo in muda ah ku sugnaa xarunta deegaanka siwayn ay xukuumada iyo shacabkuba ugu soo dhaweeyeya xarunta deegaanka ayaa maanta ka ambabaxay isagoo u tabtaystay socdaal uu dib ugu noqonayo dalka Swden oo uu hore uga yimid.yusuf ayaa ka mid ah xubnaha hogaaminta ururka dhalinyarada ee SEDYO swedan intii uu magaalada jigjiga joogay yuusuf waxa uu kulama la yeeshay masuuliyiinta xukuumada deegaanka ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwayna DDSI.

Ka hor Intii uuna maanta ka ambabixina garoonka diyaaradaha ee garaad Wiilwaal jijiga waxa uu waraysi siiyay shabakada wararka ee cakaaraNews. Wuxuuna ugu horayntii si balaadhan ugu mahad celiyay hogaaminta xukuumada DDSI ee mudada yar ku taabogaliyay horumarka xawliga ah,Nabada salka loo dhigay iyo Maamulka saxar-tiran isaga oo ka warbixiyay mudadii uu joogay caasimada deegaanka wixii uu la kulmay yidhina” cad ceed soo baxday sacabo laguma qarin karo horumarka baaxada wayn, n/galyada buuxda iyo Maamulka suuban ee hantay Qaabdhismeedyada dawliga ah ma aha wax waligood Qarsoomi kara ama shakhsi dano gaara leh uu been ka sheegi karo ishaa macalin ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay xukuumadu si wayn ugu guulaysatay soo afjaridaa hadhaagii UBBO dalka iyo dibadaba maantana ay 4tii maanlaawe ka noqdeen lax garaw ku hadhay ama Tuko canbaar leh. Imika wixii ka danbeeyana uuna jirin wax haba yaraateeUBBO ah oo ka dhaq dhaqaaqaya dalka iyo dibadaba taasooy Qaybaha bulshaduna kaalin mug leh ka qaateen.

Wuxuuna sheegay in hadda wixii ka danbeeyo uu dadaalkiisa iyo aqoontiisaba galinaya sidii uu uga qayb qaadan lahaa horumarka xawliga ah,N/galyada iyo wacyigalinta bulshada dhanka ka qaybqaadshada doorka kaga aadan dalkooda noqon doona xubnaha firfircoon ee jaaliyada Sweden,isagoona hambalyo u diray ururka dhalinyarada Sedyo-Sweden oo dadaal iyo waxqabad muuqda leh ayuu yidhi. Xidid u siibida Aragtidii UBBO ayaa ay qayb lixaadleh ay ka qaadatay xiligii ay xukuumada maantu ay daahfurka ku samaysay dunida meelkasta oo ay Qurbajoogtu ku nooshahayna uga furtay Golayaal wadatashi iyo kala warqaadasho xaalada uu deegaanku ku talaabsaday taaasooy wada garwaaqsadeen qurbajoogtu in ay UBBO laf toobin ku hayso xaqiiqduna tahay maanta waa baryay sacabo laguma qarin karo.

Yuusuf ayaa aad uga bogtay isbedelada iyo horumarka baaxada wayn ee sida siman uga taabogalay Guud ahaan deegaanka islamarkaana dhambaal Horumarineed iyo mid nabadgalyaba u wada shakhsiyaad Caqli-talaagad uu ku tilmaamay oo ka mida kuwa dibadaha jooga.