Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan lagu Gorfaynayay Nidaamka Horumarinta Shirkadaha yar yar iyo Nidaamyada horumarinta magaalooyinka oo maanta ka furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Jigjiga(CN) Talaado August 12-2014.Nidaamka Horumarinta shirkadaha yar-yar ayaa Deegaanka si habsami leh uga dhaqangalay sanadihii ugu danbeeyay waana hab casri ah oo fursado shaqo loogu abuurayo Qaybaha bulshada si kor loogu soo qaado Awooda dhaqaalaha iyo Dhigaalka Qoysaska si ay u helaan hab ay ku maareeyaan Nolol-maalmeedkooda taasoo lagagaga hortagayo saboolnimada iyo Gaajada.wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar ayaa inta badan Degmooyinka deegaanka ka hawlgasha islamarkaana bixisa Adeegyo kala duduwan sida nidaamka xawaaladaha lacagaha,Dhigaalka lacagaha oo aan lahayn wax ribo ah iyo Bixinta amaahaha lacageed ee bilaa Ribada ah oo la siiyo Bulshada si ay fursado iyo dhaqdhaqaaq ganacsi wax wayn ka taray intii mashruucan la bilaabay deegaanka.

Hadaba waxaa maaanta ka furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan kulan lagu falanqaynayay nidaamka Adeegbixinta horumarinta shirkadaha yar yar iskaashatooyinka yar yar iyo horumarinta magaalooyinka DDSI oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta ugu saraysa DDSI kana mid ahaayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI mudane maxamed rashiid isaaq,golaha wasiirada DDSI,dhamaan maareeyayaasha wakaaladaha deegaanka iyo waliba Mayorada maamulada magaalooyinka.sidoo kale waxaa kulankan ka soo qaybgalay masuuliyiin iyo khabiiro ka kala socday wasaaradaha heer fadaraal Oo uu hogaaminayay wasiir ku-xigeenka wasaarada horumarinta shirkadaha yar yar ee JDFI. Ato Zemelesh Bazabe.

Shir-wadareedkan lagu gorfaynayay nidaamyada adeegbixinta shirkadaha yar yar iyo horumarinta magaalooyinka ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar wuxuuna madaxwaynuhu ka waramay ahmiyada kulankani leeyahay iyo ujeedooyinkiisa isaga oo sheegay in muhiimadiisa ugu wayni tahay sidii loo dhimi lahaa cadawga saboolnimada iyo Gaajada islamarkaana kor loogu soo qaadi lahaa koboca dhaqaalaha iyo Nolosha Bulshada Deegaanka iyadoo la xoojinayo nidaamka horumarinta shirkadaha yar-yar ee shacabka iyadoo loo abuurayo fursado shaqo oo nidaam sharciyaysan leh.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in maxsuulka laga filayo Horumarinta shirkadaha yar-yar mustaqbalka Dhaw,dhexe iyo siiyaalada Fogba uu yahay in natiijo wax ku ool ah laga gaadho hindisaha tirtirida saboolnimada iyo Gaajada si ay shacabweynaha deegaanku ka xoroobaan iyadoo la hirgalinayo Yoolasha Horumarinta Qarniga(MDG). Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in xukuumada DDSI ay ka go'an tahay dabargoynta iyo suulinta saboolnimada islamarkaana dhamaan shacabweynaha deegaanka meel kasta oo ay joogaanba la gaadhsiinayo ka faaiidaysiga abuurida Fursadaha shaqo iyo u tababarida xirfadaha kala duduwan ee ku tabcan karaan Nolol-maalmeedkooda si kor loogu sii qaado Kobaca Dhaqaalaha Deegaanka iyo Bulshadaba ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

Waxaa kale oo uu madaxwaynaha DDSI si qoto dheer uga warbixiyay istaraatijiyadaha horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha, siyaasadaha iyo Tabaha Qorshaha horumarinta cagaaran,nidaamyada fidinta Beeraha iyo waxsoosaarka iyo waliba doorka balaadhan ee looga baahan yahay hogaaminta Maamulka saxar-tiran iyo Qaab-dhismeedyada dawliga ah sidii loo hirgalin lahaa Qorshayaashan iyo Siiyaalada Horumarineed ee ku xusan Yoolasha iyo jihooyinka waxqabadka xukuumada.

Dhanka kale waxaa isaguna ka hadlay kulankan wasiir ku-xigeenka wasaarada horumarinta shirkadaha yar yar ee JDFI mudane zemelesh bazabe oo ka warbixiyay qorshayaasha horumarineed ee Dawlad-Wadaaga JDFI kuwaasoo ku sar-Go'an dhinaca kor u qaadida iyo xoojinta shirkadaha yar-yar oo ah nidaam curdin ah oo loogu talogalay sidii kor loogu soo qaadi lahaa nolosha bulshada danyarta ah.wuxuuna sheegay in JDFI ay dajisatay qorshayaal si mug wayn loogu horumarinaya shirkadaha yar yar si ka sakow Deegaanada la rabo in guud ahaanba dalka laga tir-tiro saboolnimada iyo Gaajada huwan cunto yaraanta si uu wadanku uga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay mudo dhaw.

Sidoo kale masuulka ayaa ka warbixiyay Qorshayaasha Horumarinta Magaalooyinka si loo tartansiiyo sanadkiiba mar dhamaan magaalooyinka iyo Taabogalinta Qorshayaasha Cagaarinta ee uu Raysal-wasaare uu u hindisay dalka oo ah dhaxal uu inooga atagay ayaa uu yidhi.

Kulankan oo aad loogu falanqaynayo dardargalinta Adeegbixinta furasadaha shaqo abuurka ee Shirkadaha yar-yarwarbixinta natiijooyinkii ka dhashay waxqabadka mashruucan iyo horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha ayaa la filayaa in uu sii socon doono.