Wasaarada Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI Oo kulan Lagu Gorfaynayay Nidaamka Isticmaalka Miisaaniyada Ka Layeelatay Madax Xafiiseedyada Maaliyadaha Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka.

Jigjiga(CN) Arbaco-13-Aug-2014, Dhawaan ayay ahayd markii la shaaciyay ee uu baarlamaanka DDSI ansaxiyay miisaaniyada sanadka 2007 T.I. Maadaama ay lagama maarmaan noqotay in wakhitigeeda la ansaxiyo lana qaybiyo miisaaniyada loo qoondeeyay xafiisyada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Sanad Miisaaniyadeedka 2007 TI. Shaacin ka dib ayaa waxa uu xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI  markiiba  guda galay waafajinta habsami u isticmaalka miisaaniyada xafiisyada heer deegaan kuwa degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka DDSI. Si loo waafajiyo jidka horumarineed ee ay xukuumadu u dajisay.

Haddaba xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa hoolka shirarka ee xafiiska maaliyada kula yeeshay kulan madax xafiiseedyada maaliyadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee degmooyinka deegaanka iyo ismaamulada magaalooyinka. Kulankaasi oo ku qotomay  cad cadaanta iyo isla xisaabtanka maaliyada waafajinta nidaamka sharciga ah miisaaniyada iyo waliba u shaacinta bulshada miisaaniyada sanadka 2007.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Maxamed Ibraahin oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay kulankani wuxuuna sheegay in si looga midha dhaliya qorshayaasha horumarineed ee ay xukuumada dajisatay ee ku taxa luqa hirgalinta qorshayaasha sanadkan ay muhiim tahay in miisaaniyada loo isticmaalo habkii loogu tala galay oo kaliya islamarkaana  la ilaaliyo  habsani u isticmaalka shuruucanha  miisaaniyada.

Waxaa kale oo uu wasiirku si qoto dheer uga warbixiy in bulshada loo shaaciyo miisaaniyada deegaanka oo sanadihii hore hal mar loo shaacin jiray bulshada deegaanka laakiin sanadkan la dajiyay in  rubuc kasta  la soo dhajintoono loona shaacintoono  bulshada miisaaniyada oo faah’faahsan si ay u ogaadaan qoondooyinka iyo nidaamka loo isticaalayo miisaaniyada sanadkan 2007.

Wuxuuna wasiirku ku booriyay madax xafiiseedyada maaliyadaha dedmooyinka iyo maamulada magaalooyinku in ay si balaadhan uga soo baxaan waajibaadka ka saaran  hirgalinta qorshayaasha  ayna sida ugu dhaqsaha badan ugu soo shaaciyaan bulshada nidaamka isticaalka miisaaniyada kuna shaqeeyaan nidaamka cad cadaanta iyo isla
xisaabtanka maaliyada laga bilaabo sanadkan rubuciisa 1aad.

Dhankooda masuuliyiintii madax xafiiseedyada maaliyadaha ayaa waxay dhamaantood ka balan qaadeen in ay ka  soo bixi doonaan waajibaadkooda ka saaran cad cadaanta isla xisaabtanka  iyo u  shaacinta bulshada  
miisaaniyada 2007TI.