Wareegii Labaad Ee Shirwaynaha Dhaq-dhaqaaqa Maamulka Suuban Iyo Horumarka Ee Kasocday Xarunta Adhis Ababa Oo Galabta Si Habsimi Leh Usoo Gabagaboobay.

Adhis Ababa(CN) Khamiis-14-Aug-2014, Sida aad wararkayagii hore ugala socoteen Cakaaranews waxaa shalay u kicitimay magaalada Adhis Ababa Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaar kamida masuuliyiinta sare ee DDSI si ay uga qayb-qaataan wareega labaad ee kulan waynaha dhaq-dhaqaqa Maamulka horumarka dalka oo maanta labadii galinba kasocday hoolka Millennium-ka ee caasimada Adhis Ababa.

Kulanwaynahan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada adeega shacabka ee DFI ayaa waxaa lagaga hadlaa maamulka suuban iyo horumarinta adeega shacabka waxaana kasoo qaybgalay R/wasaaraha DFI Mudane HaileMariam Desalegn, Madaxwaynayaasha Dawlad Deegaanada Itoobiya, Wasiirada haaayadaha kala duwan ee dawlada iyo wakiilada kasocday shacabwaynaha.Shirwaynahan oo ay kasoo qayb galaan qaybaha kala duwan ee dawlada sida sharci dajinta, sharci fulinta iyo sharci ilaalinta ayaa lagu gorfeeyaa arimaha maamulka suuban iyo adeega shacabka iyadoo lasoo bandhigo caqabadaha lala kulmo iyo dhinacyada adag ee loo fidinayo shacabka haday tahay adeeg hufan iyo haday tahay maamulka suuban. Waxaana looga gol-leeyahay in laga gudbo caqabadaha jira ee laxidhiidha adeea shacabka si loo gaadho horumar waara.
Hadaba shirwaynahan ayaa saaka kafurmay hoolka millennium-ka Adhis Ababa waxaana ugu horayntii shirka furay khudbad dheerna kasoo jeediyay R/wasaaraha DFI Mudane HaileMariam Desalegn oo hogaaminayay shirka kana hadlay ahmiyada maamulka suuban iyo adeega hufan ee lagaadhsiinayo shacabka. Sidoo kale waxaa iyaduna khudbad kasoo jeedisay Wasiirka Wasaarada Adeega Shacabka lehna awooda R/wasaare kuxigeen Marwo Aster Mamo oo ka hadashay muhiimada adeega shacabka islamarkaana dhinacyo badan oo adeega laxidhiidha ka faalootay.
Wasiirka Adeega Shacabka ee DDSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayay Cakaara wax kawaydiisay qodobada lagaga hadlay shirwaynaha ee laxidhiidhay adeeg bixinta, wuxuuna wasiirku sheegay in dhamaan wasaaradaha horumarka ee sida laydhka iyo isgaadhsiinta ay warbixintoodii soo jeediyeen kadibna laga dooday iyadoo aad loo soo dhaweeyay dhinacyada fiican islamarkaana go'aamo lagu siinayay sidii ay adeeg hufan u gaadhsiin lahaayeen shacabka. Sidoo kale waxaa talooyin muhiim ah soo dhigayay wakiiladii shacabka ee iyagu kusugnaa goobata shirka tilmaamayna dhinacyada u baahan in laxoojiyo.
Hanaanka uu shirwaynahani u dhaco ayaa lamida shirwaynaha wadatashiga horumarka, N/galyada iyo maamulka suuban ee kadhaca DDSI kahor bisha ramadaan kaasoo ay qaybaha kala duwan ee dawladu ay warbixintooda usoo jeediyaan shacabka islamrkaana ay shacabka iyo odoyaasha guurtidu talooyin la isku raacay kasoo saaraan dhinackasta oo markaasi laga dooday xukuumaduna ay qorshe ahaan u qaadataa talooyinkaasi. 

Maamulka suuban ayaa ku qotoma qaab-dhaqmeedkan isla xisaabtanka iyo kajawaabida su aalkasta oo laxidhiidha adeega shacabka iyo horumarka loo baahanyahay. Waana mid ay kasimanyihiin dawlada federaalka iyo dawladaha deegaanada kuwaasoo hal wado u maraya sidii ay Itoobiya ku gaadhi lahayd horumar waara islamrkaana ay wadamada horumaray kaga mid noqon  lahayd.

Isku soo wadaduub oo wareegii labaad ee shirwaynaha Dhaq-dhaqaaqa maamulka suuban iyo horumarka ayaa galabta kusoo dhamaaday jawi wanaagsan islamarkaana ay kasoo baxeen go'aamo dardar galinaya sidii loo gaadhsiin lahaa shacabka adeeg hufan kuwaas oo haayad kasta u horseedi doona laba jibaar dhinaca horumarka ah.