Wafti Qurbajoog ah oo Hor-kacayeen masuuliyiin Heer Deegaan ah oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo.

Wardheer(CN) Jimce August 15-2014. Waxaa magaalada wardheer ee xarunta gobolka doollo si meeqaan sare kal iyo laab ah loogu soo dhaweeyay qurba-joog u dhalatay deegaanka gaar ahaana ka soo jeeda gobolka doolo oo waayadanba ku sugnaa xarunta Deegaanka ee Magaalada Jigjiga oo ay xukuumada iyo qaybaha shacabkuba ku soo dhaweeyeen islamarkaana ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen Hogaaminta xukuumada ugu saraysa iyo Golaha wasiiradaba.

Qurbajoogtan oo ka ambabaxday magaalada jigjiga ayaa ay horgaaminayeen Masuuliyiinta ay ka midka yihiin ku-xigeenka wakaalada Qurbajoogta DDSI mudane Bashiir Maxamed  oo aalaaba qurbajoogta u soo hilowday dhulkooda hooyo ee ka kala yimaada dhamaan qaaradaha aduunka ku soo wareejiya Gobolada iyo Degmooyinka si ay indhahooda ugaga soo bogtaan isbedelada,Horumarka baaxada wayn iyo N/galyada si siman uga taabo gashay wadar ahaan 9ka Gobol,68-da Degmo iyo 4ta Maamul Magaalo ee Deegaanku ka kooban yahay.sidoo kale maareeyaha wakaalada COC mudane Mubaarak ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta gadhwadeenka ka ahayd Qurbajoogta.

Warka ayaa intaa ku daraya in ay Waftiga Qurbajoogtan oo dhulka sii maray watayna gawaadhi badan ay sii mareen deegaano ka tirsan Gobolada Fafan iyo Jarar oo uu Horumarku uu xawli uga socdo iyagoona markii ay u gudbeen Xuduuda gobolka Doollo ay tuulooyinka ku sii hakanayeen maadaama ay hareeraha wadooyinka ay tubnaayeen dadwayne badan oo soo dhawaynta waftiga isugu soo baxay. Waftiga ayaa beegsaday Magaalada wardheer oo xarun u ah Gobolka Dollo halkaasoo ay dhamaanba Qaybaha shacabka iyo Maamuladu ay kaga horyimaadeen masaafo ka baxsan magaalada 3km si diirana ugu soo dhaweeyay islamarkaana u sii galbiyay Magaalada wardheer iyadoona la filayo maalmaha ay joogaan Gobolka Dollo in ay booqan doonaan goobo badan oo ka tirsan Degmada Wardheer iyo Gobolka Doollo.

Booqashada Qurbajoogtan ayaa ku soo beegantay xilli ay Xukuumada maantu ku talaabsatay Guulo waawayn oo dhanaka Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Saxar-tiran ah islamarkaana Gobolka Doollo ka sakow horumarka baaxada wayn ee ka hano-qaaday ay ku soo biirtay Degmada Daratoole oo kor u sii qaaday Tirada Degmooyinka Gobolka Dollo.