Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska waxbarashada Deegaanka oo Shir Muhiim Ah La Yeeshay Mulkiilayaasha Heerarka Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay.

Jigjiga(CN) Jimce August 15-2014. Guud ahaan Deegaanka ayaa ay kor u kacday tayada Baris-barasho mudooyinkii ugu danbaysay iyadoona ay ku soo badanayaan Dugsiyada waxbarasho heerarkooda,Dugsiyada Xanaanada Caruurta iyo Kuliyadaha lagu barto Culuunta waxbarasho ee kala duduwan siiba kuliyadaha caafimaadka kuwaasoo qayb ka ah kor u qaadiyada iyo tayaynta waxbarashada Deegaanka oo waayadii hore ka aradnaan jireen Caruurta gaadhay heerka waxbarasho helida Dugsiyo ay wax ku bartaan xiliyadii ay talisyadii macangaga ahaa dalka ka talin jireen.

Hadaba ku-xigeenka wasiirka Waxbarashada DDSI Mudane Cabdi Geedi ayaa isagoo ka duulaya Qorshayaasha kobcinta waxbarashada deegaanka iyo midaynta Manhajyada lagu dhigo dugsiyada dawliga ah iyo kuwaan dawliga ahayn ee gaarka loo leeyahay si loo adkeeyo tayada baris-barasho ayaa waxa uu kulan muhiim ah uu la yeeshay dhamanba Mulkiilayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ka jira magaalada Jigjiga si loo sii dardargaliyo looguna sii gogolxaadhayo furutaanka waxbarashada sanad-dugsiyeedkan 2007.T.T.I.

Mudane Cabdi Geedi ayaa ka soo qaybgalayaasha u faahfaahiyay ujeedada uu xafiisku uga golleeyahay kulankan islamarkaana warbixin ka siiyay Qorshaha xafiiska ee dhanka Kobcinta iyo tayaynta nidaamyada Baris-barasho ee Dugsiyada iyo Macalimiinta Deegaanka sidoo kalana turxaanbixinta iskuxidhka Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo Kuwa Dawliga ah si ay iskaga kaashadaan adeegbixinta waxbarasho ee ay bulshada deegaanka siiyaan islamarkaana isku waydaarsan lahaayeen macluumaadka iyo culuunta aqooneedmacalimiinta iyo ardayda si manhajka Dugsiyada gaarka loo leeyahay ay ula jaanqaadi lahaayeen maadooyinka iyo manhajyada ay wasaarada waxbarashada deegaanku soo daabacday. dhanka Aqoonta iyo Xirfadaha.

Waxaa dhankooda shirka ka hadlay fikirkooda ka soo jeediyey qaarka mid ah mulkiilayaasha dugsiyada gaarka ah sidey u arkaan wadatashiga ee wax lagaga bedalayo manhajka la isuna waafajinayo manhajyada lagu bixiyo dugsiyada gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah oo ah markii 1aad ee ay wasaarada waxbarashada deegaanku wax naga waydiisay noona qabatay kulan wadatashi tanoo ah talaabo horumarineed oo ay wasaaradu hore u soo qaaday anagoona balanqaadayna in aanu tayayno nidaamyada baris-barasho lana jaanqaadi doono Manhajyda Dalka iyo Heer Deegaanba ayay yidhaahdeen.

Wasaarada waxbarashada ayaa diyaargaraw balaadhan ugu jirta Furitaanka sanad-dugsiyeedka 2007 islamarkaana kulamo gaar gaar ah iyo wadarba la yeelanaysa machadyada,Kuliyadaha iyo maamulada kuwa Dawliga ah iyo kuwaan dawliga ahaynba.