Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir Lagu Qiimaynayo Waxqabadkii Xafiisyada Gaadiidka Iyo ganacsiga ee gobolada iyo Maamul-Magaalooyinka DDSI Oo Maanta Kafurmay Hoolka Shirarka Ee Xafiiska Gaadiidka Iyo Ganacsiga Ee DDSI.

Jigjiga(CN) Talaado-19-2014, Xafiiska gaadiidka iyo ganacsiga DDSI oo ka duulaya hirgalinta qorshayaasha horumarineed kor u qaadida ganacsiga sharciga ah iyo la dagaalanka ganacsiga sharci darnada ah, ayaa waxa uu sanadkiiba 2 jeer shir lagu xaqiijinayo hirgalinta qorshayaasha horumarineed la yeeshaa  dhamaan xafiisyada gaadiidka iyo ganacsiga ee Gobolada iyo maamulada magaalooyinka DDSI.

Haddaba waxaa ka dhacay maanta hoolka shirarka ee xafiiska gaadiidka iyo ganacsiga ee DDSI shir lagu qiimaynayo waxqabadkii xafiisyada gobolada iyo maamulada magaalooyinka ee sanadkii 2006 iyo u diyaar garowga qorshaha sanadkan 2007TI  waxaana shirkan ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Ibraahin Maxamed Muxumed dhamaan agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska gaadiidka iyo ganacsigaDDSI  iyo madax xafiiseedyada gaadiidka iyo ganacsiga ee gobolada iyo  maamulada  magaalooyinka DDSI

Waxaana shirkaasi ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane ibraahin maxamed muxumed wuxuuna ka warbixiyay ujeedooyinka shirkan qiimaynta isaga oo sheegay in si gaar ah diirada loogu saaridoono waxqabadkii sanadkii hore iyo  qorshayaasha u diyaar garowga sanadkan cusub.

Waxaa kale oo isaguna ka hadlay furitaankii shirkaasi  gadhwadeenka geedi socodka qorshaynta qiimaynta dabagalka iyo xidhiidhka ha’yadaha ee xafiiska gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Maxamuud Cali Cadare wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay qorshayaasha horumarineed ee u yaala xafiiska iyo in si cad-cad daani ku jirto loo soo dhigo warbixinta waxqabadka sanadkii 2006TI si meelihii ay goldalooladu ka jirtay sanadkii hore loogu darsado sanadkan qorshaha. wuxuuna gadhwadeenka ka hadlay nidaamka uu shirkani qiimayntu u socondoono mudada uu socdo isaga oo sheegay in shirkan qiimaynti sanadkiiba laba jeer uu qabto xafiisku laguna gorfeeyo nidaamkii ay u hirgaliin qorshayaashii sanadkii hore iyo siyaabaha loogu diyaar garoobayo qorshaya sanadkan cusub. Isaga oo agaasinku hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in masuuliyiinta xafiisyada gobolada iyo maamulada magaalooyinka  looga fadhiyo in ay si hufan u soo bandhigaan warbixintooda waxqabadka sanadkii hore si loo bilaabo hirgalinta qorshaha sanadkan bilowga ah .

La taliyaha xafiiska gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Rashiid Bacdar ayaa isaguna furitaankii shirkaasi ka soo jeediyay hadalo talabixin iyo tusaale iskugu jira isaga oo sheegay in looga baahan yahay masuuliyiinta xafiisyada ganacsiga iyo gaadiidka ee gobolada iyo deegaanka in ay si meeqaan sare ah uga soo dhalaalan waajibaadka ka saaran hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee u yaala xafiiska korna u qaadaan nidaamka ganacsiga sharciga ah si buuxdana ula dagaalamaan ganacsiga sharci darnoda ah waxayna madax xafiiseedyada gobolada iyo maamulada magaalooyinka soo bandhigayaan warbixinta waxqabadka sanadkan. Shirkan qiimaynta oo sii socondoona maalmahan ayaa waxa la filayaan in ay marka uu dhamaado ka soo baxaan natiiyooyin wax ku ool ah.