Madaxwaynaha DDSI Oo Kahadlay Qorshayaasha Nabadgalyada Iyo Horumarka Ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Addis Ababa(CN) Khamiis-21-Aug-2014, Waxaa Xaqiiqo ah oo hubaal ah in deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ka hana qaaday horumar dhinac walba ah kaasoo kuyimid dadaal dheer oo naf-u-huris ah kana yimid maskax caafimaad qabta. Horumarkaas oo ay si cad u arkaan shacabka deegaanka, dawlada federaalka iyo qurbajoogta u dhalatay DDSI ayaa ka makhraati kacaya isbadalka maanta iyo xaaladii shalay uu deegaanku soo maray.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si adag uga hadlay kago'naanshaha in horumarkaasi uu noqdo mid sii laban laabma oo sidii larabay u taabbagala. Wuxuuna sheegay in ay xukuumada DDSI ay ka go'antahay islamarkaana lasii wadayo dadaalka dheer ee loo soomaray heerka uu deegaanku maanta gaadhay.

Sidoo kale Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa faraya maamulada gobolada, maamul magaalooyinka iyo haayadaha kala duwan ee dawlada in ay dardar galiyaan hawlaha horumarka oo ay ku dhamaystiraan qorshayaasha ay xukuumadu u dajisay.

Ugu danbayn xukuumadan maanta ka arimaisa deegaanka oo guulo laxaad leh kasoo hoyisay dhinacyada horumarka, Nabadgalyada, maamulka suuban iyo ladagaalanka saboolnimada ayaa guulahaas ku kasbatay shacabka DDSI. Wuxuuna shacabka deegaanku u baahanyahay in horumarkaas loo sii wado. Iyadoo ay xukuumadani ka go'antahay xoojinta horumarka uu shacabku u baahanyahay sida Biyaha, Kaabayaasha dhaqaalaha, waxsoo saarka iyo isku-filnaanshaha ayaa waxaa iska cad in maanta aysan shacabku u baahnayn beenta iyo barobagaandada nabad-diidka iyo horumar-diidka ee dib-u-celiska ah.