Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Mudane Shugri Badal Miyir Oo Ahaa Hogaan Kuxigeenkii Nabadgalyada DDSI Islamarkaana Loogu Magacaabay Xilkii Hore Ee Laga Qaaday Mudane C/laahi Yuusuf Weerar, Ayaa Maanta Kahadlay Qalinjabinta 1500 Oo Askar Liyuu Boolis Ah.

Jigjiga(CN) Khamiis-21-Aug-2014, Hogaanka Nabadgalyada DDSI Mudane Shugri Badal Miyir ayaa maanta wuxuu ka hadlay in ay u qalin jabinayaan 1500 Oo Askarta Liyuu Booliska ah Kuwaas oo tababar heer sare ah qaatay mudadii ay xaraysnaayeen.

Hogaanka ayaa sheegay in  ujeedada loo tababaray ciidankan cusub ay tahay deegaanka oo balaadhan iyo sugida amniga iyo saraynta sharciga oo lagaadhsiinayo qabaleeyada waawayn ee deegaanka taasoo sii laba jibaaraysa hawlihii horumarka iyo nabadgalyada deegaanka. Wuxuuna hogaanku kawaramay qaar kamida goobaha ay ciidankani sal dhiganayaan oo ay kamidyihiin:-
    1. Dulqabow
    2. Qari-jiqood
    3. Showli
    4. Ilaha
    5. Duud-fiiq
    6. Dhulka looyaqaano Dhagaxmadowga Qabridahar iyo
    7. Goobo kale oo kamida xuduudaha deegaanka.

Hadaba ciidankan oo tababarkii ciidanimo si heer sare ah ugu dhamaaday islamarkaana muujiyay edaabiyaadkii iyo anshaxii wakhtigii ay tababaranayeen ayaa haatan Hogaanku sheegay in ladiyaariyay xaflada qalin jabinta 1500 oo askarta Liyuu Booliska ah.

Hogaan Shugri Badal ayaa carabka ku dhuftay in wakhti xaadirkan uu deegaanku nabadgaliyo kusuganyahay balse ciidankani uu noqonayo ciidan horumarineed oo kabaha shacabka ah. Sidoo kale wuxuu hogaanku ka warbixiyay qorshayaashii nabadgaliyada ee 2006-da iyo qorshe cusub oo dardargalinaya hawalaha sanadkan bilowga ah ee 2007-da. Wuxuuna Hogaanku diyaariyay Qorshayaasha sektorka nabadgaliyada.

Mudane Shugri ayaa inta yar ee uu haatan xilka hayo layimid qorsheyaal cusub oo dardar galinaya guud ahaanba geedi socodka dhinaca Nabadgalyada.