Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Inaalilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun: Yuusuf Dheere oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday Maanta.

Abaarihii 1-dii Duhurnimo ee shalay ayaa gaadhi yar oo ay saarnaayeen Marxuum Yuusuf Dheere iyo Xirsi Garaad Dool noociisuna yahay Mark II ayaa uu Baabuur Ampulance landcruiser ah isku hardiyeen isgoyska ka soo horjeedka wasaarada ganacsiga wadada laamiga ah ee magaalada dhex marta halkaasoo ay ku dhaawacmeen Yuusuf Dheere iyo Xirsi Dool taasooy markiiba Ciidanka taraafikada Deegaanku soo beegsatay bartii shilku ka dhacay ulana carareen Dhaawacii dhanka isbitaalka karamardha.

Qadarka eebe ayaan la baajin karine Yuusuf Dheere ayaa ku nafbaxay isbitaalka naxariistii jano ilaahay ha ka waraabiyo samir iyo iiimaana Qoyskii iyo ehelkii ilaahay ha ka siiyo Aamiin aamiin.halka Xirsi garaad Dool dhaawaciisii la geeyay Harar si loogu soo dabiibo ilaahay caafimaadsan ha ku siiyee aamiin aamiin.