Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Horumarka Jigjiga Shalay Iyo Maanta: warbixinta Maareeyaha Maamulka Magaalada Jijiga.

Jigjiga(CN) Isniin-25-August-2014, Waxaa xaqiiq ah Israraatijiyada horumarinta magaalooyinka DDSI, taasoo sanadihii hore ahayd mid ka gaabisay heerkii  looga baanaa adeeg siinta bulshada iyo kor u qaadida bilicda iyo horumarinta magaalooyinka. Balse markii ay xukuumada imika ka arimisa deegaanku dajisatay qorshayaal xiliyaysan oo leh kuwa fog kuwa kuwa dhexe iyo kuwa dhaw oo ku qotoma fidinta istaraatijiyadaha arimaha adeega kaabayaasha dhaqaalaha ee horumarinta magaalooyinka, kobcinta awooda kaabayaasha dhaqaale mida maalgashi ee magaalooyinka  horumarinta jidadka iyo kor u qaadida bilicda iyo baaxadaha magaalooyinka. Waana qorshayaashaasi kuwa keenay in ay maanta deegaanka soomalida itoobiya ka tisqaadaan magaalooyin waawayn oo la dartami kara kuwa caalamka ka jira.

Magaalada jigjiga oo tan iyo intii ay curaday Itoobiyada cusubi ahayd caasimada deegaanka ayaan sanadihii hore nasiib u helin in ay noqoto magaalo la tartami karta magaalooyinka dalka ismarkaana aan lagu tilmaami karayn in ay tahay caasimad deegaanka kana qalal sanayd guud ahaanba adeegyada aas aasiga ah bilic daa hadalkeedba oo haddii ay martiyi timaado aan lahayn meel loo hoydo taasina keeni jirtay in aan shirarka iyo kulamada deegaanada kale lagu qabto aan marna jigjiga loo soo hawaysan jirin in lagu qabto. taasi oo ay ugu wacnayd hogaamintii xiligaasi oo iyagu aan lahayn aragti horumarineed iyo mid wadaniyadeedba.
Haddaba waxaa waraysi gaar ah naga siiyay waxqabadka qorshayaasha horumarineed ee magaalada jigjiga maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane C/kariin Cawil Barkhed wuxuuna ka warbixiyay qorshayaasha isbadalka horumarineed uu u yaala maamulka magaalada jigjiga waxqabkii qorshihii sanadkii hore ee 2006TI  iyo qorshayaasha horumarineed ee ay ugu diyaar garoobeen sanadkan cusub ee 2007TI. Wuxuuna si qoto dheer uga waramay in dhamaan qorshayaashii horumarineed ee maamulka magaalada jigjiga guulo waawayn laga soo hooyay gaar ahaan dhinacyada  adeeg siinta bulshada, kor u qadida bilicda magaalada jigjiga, jidadka, laydha, biyo galinta, nadiifinta qashinka qalalan, hirgalinta maalgashiga, iyo abuurida iskaashatooyinka.

Waxaan hirgalinayay ayuu yidhi maareeyuhu sanadkii hore wadooyin badan oo iskugu jira kuwa laamay ah iyo kuwa la dhigo dhagaxa qoran (cobblestone)  waxaa kale oo uu tibaaxay maareeyuhu in ay 3 sano ee ugu danbeeyay magaalada jigjiga ka hirgaleen in ka badan 60 dhismayaal kuwa dhaadheer ah oo iskugu jira huteelo casriya iyo xarumaha ganacsiga kuwaasi oo ay maalgalin ku samaysteen muwaadiniin u dhashay deegaanka waxayna ku soo kordhiyeen korna u qaadeen bilicda iyo baaxada jijiga. Sidoo kalena waxa uu sheegay maareehuhu in ay sanadkii hore abuureen iskaashatooyin ka badan 30 iskaashato oo ay shaqo abuur u samaysay ismaamulka magaalada jijiga oo kuwaasi oo ka hawlgala shaqooyinka kala duwan ee ka jira caasimada sida kuwa ka shaqeeya cobblestone.
Sidoo kale waxa uu maareeyuhu ka warbixiyay qorshaya ay ugu diyaar garoobeen sanadkan cusub wuxuuna sheegay in sanadkan u qorshaysan yihiin hirgalinta wadooyin iskugu jira kuwa laamayga ah iyo kuwa cobblestone ah kor u qaadida bilicda magaalada iyo dhamaan adeegyada aas aasiga ah wuxuna tilmaaya in ay magaalada jigjiga ay ka mid noqoto kuwa la tartamaya caasimadaha ka jira aduuna iyada oo kaashanaysa mashruuca ULGDP ugu
danbayntiina waxa uu ka warbixiyay fursadaha maalgashi ee ka jira caasimada deegaanka ee jigjig, xukuumaduna ku soo dhawaynso cidkasto oo maalgashi ku samaysaysa caasimada deegaanka.