Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kaalinta Ay Qurbajoogta U Dhalatay Deegaanku Kuleeyihiin Horumarka Xawliga Ah Ee Mudada Yar Kaga Hirgalay Deegaanka.

Jigjiga(CN) Talaado-26-August-2014, Tan iyo intii ay xukunka laga duuray kalitii taliskii dhargiga ee ay deegaanada dalka itoobiya u curatay dimuqoraadiyada, sinaanta iyo ku dhaqanka  cadaalada waxaa dhamaan deegaanada dalkeena wada gaadhay horumar taam ah marka laga reebo deegaanadii hore loo odhan jiray waa deegaanada dib u dhacay.

Deegaankeena soomalida itoobiyana waxa uu hore uga mid ahaan jiray deegaanada dib u
dhacay. Taasi oo ay wakhtigaasi ugu wacnay in ay deegaanka hogaamintii xiligaasi oo ayna ka go’anayn in ay deegaanka gaadhsiiyaan heerka horumarineed ee ay heleen deegaanada dalka waxayna taasi sobobtay in ay deegaanka ka curtaan ururo n/diid ah kuwaasi oo si mug leh u xasuuqay shacabka deegaanka islamarkaana siwayn u naafeeyay horumarkii ka jirilahaa deegaanka.

Dhanka kale waxaa iyaguna ka qayb qaadan jiray xasuuqa shacabka iyo gumaadka horumarka deegaanka qurba joogta u dhalatay deegaanka oo ayna jirin wax xidhiidhka oo ay la leeyihiin deegaanka kuwaasi oo si buuxda u garab isaagay in ay gacan ku siiyaan ururadii nabad diidka ahaa ee ka dhaq dhaqaaqi jiray deegaanka.

Haddaba xukuumada haatan ka arimisa deegaanka ayaa siwayn uga gilgilatay nidaamkaasi iyo qorsha xumadaasi hore ula hadhay deegaanka waxayna dajisatay qorshayaal cilmiyaysan  oo xiligii loogu tala galay hirgala kuwaasi oo ku qotoma tir tirida n/diidka hirgalinta horumar xawliya xaqiijinta maamul saxar jiran kor u qaadida koboca dhaqaalaha iyo la dagaalanka saboolnimada.

Waxayna xukuumada shaaca ka qaatay gaabkii waynaa ee u dhexeeyay qurba joogta u dhalatay deegaanka iyo xukuumada iyada oo socdaalo dhaadheer oo wahsi ka reeban yahay u martay dhamaan qaaradaha aduunka taasi oo keentay in ay qurba joogta u dhalatay deegaanku maanta si meeqaan sare ah uga qayb qaadaan horumarka sida xuubda uga taamyeelay guud ahaanba deegaanka.

Waxaana warbixin dheeriya naga siiyay arimahaasi wasiir ku xigeenka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed C/laahi wuxuuna si qoto dheer uga waramay doorka balaadhan ee ay qurba joogtu ku leeyihiin hirgalinta horumarka mudada yar u gaadhay xukuumada deegaanka isaga oo wasiir ku xigeenku hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu yidhi”  markii ay xukuumadu dajisatay qorshayaal lagu hirgalinayo xidhiidhka qurba joogta ee ay xukuumadu socdaalo dhaadheer ku martay dhamaan qaaradaha aduunka. Si ka fool-ka fool ahna loola kulmay dhamaan jahliyadaha lana  xasuusi yay xasuuqii iyo dhibaatooyinkii ay UBBO  gaysatayna iyada oo dhukumanti cadaymo buuxa u ah loo so bandhigay lagana dooday ka   dibna lays ku kalsoonaaday oo waliba la soo saaray dhibaatooyinka cadowga laysana gartay in la joojiyo taageerooyinkii ay cadawga siin jireen islamarkaana  laysku afgartay in ay maalgashi ka sameeyaan deegaanka kuwaasi oo wakhti xaadirkan si balaadhan u maalgashada deegaanka  kana faa-iidaystaan fursadaha maal galineed ee deegaanka ka jira.

Mar uu wasiir ku  ka waramayay maalgashiga ay qurba joogta u dhalatay deegaanku ka sameeyeen ayaa waxa uu sheegay in 120 mashruuc ay ka sameeyeen deegaanka kuwaasi oo ay ku baxday aduun lacageed oo aad u tiro badan islamarkaana shaqo abuur su sameeyay muwaadiniin tiro badan.

Ugu danbayntii waxa uu si  qota dheer  uga hadlay in ay dhammaan guulaha la  gaadhay ee arimaha qurbajoogtu ay  tahay  dhaxalkii iyo midhihii  dadaalkii dheeraa ee Hogaaminta sare  ee DDSI ee uu hormoodka ka yahay madaxweynaha DDSI mudane Cabdi maxamudd cumar.