Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar ku Saabsan Ladagaalanka Iyo Kahortaga Musuqa Oo Loo Qabtay Masuuliyiinta Iyo Shaqaalaaha Degmada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Arbaco-27-August-2014, Sidaan wada ogsoonahay  dawlada iyo shacabka deegaankuba waxay  yaqiin san yihiin  in musuqa iyo nidaam daranada shaqo ay yihiin aqabadaha lid ka ku ah horumarka bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadeed ee bulsha kasta. Sidoo kale waxaa lawada ogsoon yahay in  ay muhiimtahay in  musuqa iyo nidaam darnada shaqo la xakameeyo si loo kobciyo islamarkaana loo joogteeyo geedi socodka horumarka iyo dimuqoraadiyada ka taam yeeshay deegaanka.

Haddaba komoshinta anshaca iyo ka hortaga musuqa DDSI oo tan iyo intii la aas aasay ka qaybtay shaqooyin muhiim ah deegaanka kuwaasi oo ku taxa luqa ka hortaga iyo ladagaalanka musuqa, ujeedada loo aas aasayna tahay  la dagaalanka iyo ka hortaga musuqa  baadhista iyo oogista danbiyada musuqa iyo nidaam darnooyinka shaqo.Ayaa waxa uu tababaro lagaga  wacyigalinayo shaqaalaha ka wadaa xafiisyada heer deegaan iyo degmooyinka deegaankaba.

Wuxuuna maanta komoshinka anshaca iyo ka hortaga musuqu tababar u qabtay masuuliyiinta iyo shaqaalaha degmada jigjiga. Tababarkaasi oo ay ujeedadiisu ahayd sidii looga hortagi lahaa loona dagaalami lahaa musuqa ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay  komoshineerka komishinka anshaca iyo ka hortaga musuqa mudane Maxamuud C/qaadir isaga oo ka warbixiyay aqabadaha aafooyinka iyo dhibaatooyinka uu leeyahay musuqu wuxuuna tilmaamay komoshineerku in xukuumada DDSI oo ka duulaysha hirgalinta qorshayaasha horumarineed iyo kor u qaadida koboca dhaqaalaah ayna u dulqaadan Karin wax kasta oo aqabad ku noqonkara hirgalinta istaraatijiyadaha  qorshayasha horumarineed.

Waxaa kale oo uu sheegay komoshineerku in ay muhiimtahay in shaqaalaha deegaanka iyo shacabkuba ku baraarugsanaadaan dhibaatooyinka uu leeyahay musuqa  iyo nidaam xumada shaqo intaasi uu tababarku socdana sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan masuuliyiinta iyo shaqaaluhu gaadhiiyaana qaybgala kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada jigjiga.

Dhankooda masuuliyiintii iyo shaqaalihii ka soo qaybgalay tababarkaasi ayaa waxay sheegeen in ay waajibku tahay shaqaalaha iyo shacabkaba in ay si mug leh uga hortagaan la dagaalanka musuqa dhankoodana ay si fiican uga soo dhalaalidoonaan waajibaadka ka saaran ka hortaga musuqa. Waxaana furitaankii tababarka halkaasi heese wacyigalinka oo ka warbixinaya dhibaatooyinka uu musuqu leeyahay ka qaadayay qaybo ka mid kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI.

Ugu danbayntii maaha tababarkani kii noociisa ah ee ugu horeeyay ee waxaa kale oo uu komishinka anshaca iyo ka hortaga musuqu u qabtay tababarno noocan oo kale ah xubnaha hogaaminta dhexe ee X.D.SH.S I qaybo ka mid ah xafiisyada heer deegaan iyo degmooyinka deegaanka wuxuuna noo sheegay komoshineerku in sii wadidoonaan tababarkani.