Shirkii Haayadaha Nabadgalyada DDSI Ee Socday Maanta Iyo Shalay Ayaa Lasoo Gabagabeeyay.

Jigjiga(CN) Arbaco-27-August-2014, Sida aad wararkayagii hore kala socoteen CakaaraNews, waxaa horaantii todobaadkan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar qorshayaasha Nabadgalyada Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo haatan maraya taariikh ahaan abid guulihii ugu waynaa ee lagasoo hoyiyay dhinaca nabadgalyada islamarkaana deegaanka u horseeday horumar laxaad leh oo lataaban karo.

Hadaba shir ay maanta iyo shalay wadayeesheen haayadaha amniga ee DDSI (Security Councilka) ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, Waxaana Shirkaasi kasoo qayb galay dhamaan haayadaha amniga ee DDSI iyo Wafti kasocday heer federaal gaar ahaan laamaha amniga oo ay kamid ahaayeen militariga, federaal booliska iyo qaybaha kala duwan ee u qaabilsan aminiga dalka.

Shirkan ayaa waxaa lagu qiimaynayay qorshayaasha nabadgalyada, maamulka suuban, xidhiidhka dadwaynaha, horumarka iyo guud ahaanba 9-ka gobol ee uu deeegaanku ka koobanyahay. Qaybaha kala duwan ee haayadahan aminga oo qiimaynayay warbixintii qorshaha nabadgalayada sanadkan dhamaaday ee 2006-da T.I ayaa si dheer looga war bixiyay talaabooyinka iyo shaqooyinkii laqabtay ee dhinacyada nabadgalyada, maamulka suuban, xidhiidhka dadwaynaha iyo horumarka degmooyinka iyo goboldada DDSI.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo warbixino dheer kasoo jeediyay sida ay ahaayeen qorshayaasha nabadgalayada, nidaamkii maamulka suuban, xidhiidhka dadwaynaha iyo hawlihii horumarka ayaa waxaa sidoo kale warbixintii waxqabadka qorshayaasha hirgalay soo bandhigay gudoomiyaasha gobolada islamarkaana la dhagaystay heerka lamarayo iyo yoolka ay xukuumadu qorshaysay. Waxaana la isla qaatay in qorshihii sanadka 2006-da inuu target-kii ku dhuftay.
Kadibna waxaa shirkan Haayadaha Nabadgalyada DDSI lagu ansixiyay qorshihii 2007-da oo guud ahaan sii laba jibaaraya yoolka islamarkaana sii xoojinaya guulaha maanta laga hayo Nabadgalyada, maamulka suuban, xidhiidhka dadwaynaha iyo horumarka.