Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Haayada Caafimaadka Aduunka Ee WHO Ayaa Sheegtay Inuu Sii Badan Karo Tirada Dadka Uu Saamaynayo Cudurka Dilaaga Ah Ee Ebola Ee Kadilaacay Galbeedka Afrika.

Geneva(CN) Khamiis-28-August-2014, Haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO ayaa maanta sheegtay in ay dhici karto badashada tirada uu saamaynayo cudurka dilaaga ah ee Ebola ee kadilaacay wadamada galbeedka Afrika.

Directorka guud ee hawlaha dag daga ah ee haayada WHO  Dr. Bruce Aylward ayaa faahfaahin kabixiyay warbixinta haayada WHO oo sheegaysa in ay tirada dadka uu saameeyay virus-ka Ebola ay gaadhi karto 20 kun oo qof taas oo ay haayadu ku qiyaastay in ay ku lix jibaarmayso tirada uu haatan saameeyay viruska cudurka Ebola-ha.

Haayada WHO ayaa wada qorshe cusub oo lagu xakamaynayo cudurka ama lagu talaalayo dadka kaas oo qaadanaya mudo dhan 6 ilaa 9 bilood. Wuxuuna u baahanyahay qorshahan xakamaynta ee WHO lacag dhan 489 milyan oo doolarka maraykanka ah, shaqaale caalami ah oo gaadhaya 750 iyo 12 kun oo ah kuwa dalka kana hawl gala guud ahaanba gobolka galbeedka wadamada Afrika ee khatar cudurka Ebola saameeyay.

Sidoo kale haayada WHO ayaa kadayrisay joojinta duulimaadyada galbeedka afrika oo ay sheegatay in aysan yaraynaynin faafitaanka cudurka balse ay dhibaato kutahay shaqadii lagu xakamayn lahaa cudurka kaas oo dhibaato ku noqonaya shaqaalaha caawin lahaa goobaha uu cudurku saameeyay.

Ilaa iyo haatan wuxuu cudurkani dilay in kabadan 1 kun iyo shan boqol oo qof gaar ahaan wadamada Liberia, Sierra Leone, Guinea iyo Nigeria.