Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Marnaba Hakad Ma Gali Karo Nabadgalyada Iyo Horumarka Deegaanka.

Jigjiga(CN) Sabti-30-August-2014, Waxaan wada ogsoonahay in Deegaanka Soomaalida Itoobiya uu marxalado badan soomaray muda badana uu ku sugnaa dib-u-dhac ay dhaxalsiiyeen dhibaatooyinkii nabadiidka iyo maamuladii dulsaarka ahaa ee caanka ku ahaa qabyaalada, nin jeclaysiga, jeeb-buuxsiga, kooxaysiga iyo dib isaga dhiga danta shacabka kuwaas oo ay kamid ahaayeen UBBO iyo LEEGO.

Hadaba fikiradaas cidhiidhiga ah (Virus-kana ah) ee dhamaaday ayaa waxaa jirtay in ay mararka qaarkood soo kacdoomaan oo ay xaduudaha kasoo talaabaan sida cudurada dabaysha(poliyada) ee latalaalo oo kale. Inkastoo talaalka kaliya ee loo hayo uu yahay kii hada kahor loo dhigay markastana ay diyaar u tahay daawadiisu.

Waxaa hubaal ah in dawlada federaalka iyo tan deegaanka ee maanta ka arimisa ay guntiga u xidheen danta shacabka islamarkaana ay sameeyeen isbadal horumarineed deegaanka Soomaalida Itoobiya kuwaas oo ay kamidyihiin mashaariicaha waawayn ee sida jidadka tusaale ahaan Jigjiga ilaa Godey, laydhka, isgaadhsiinta mashaariicda dib-u-dajinta iyo qorshayaasha horumarka.

Xukuumada DDSI waxay muujisay talaabooyin taariikhi ah ugubna ku ah Deegaanka Soomaalida Itoobiya haday tahay horumarka, nabadgalyada iyo guud ahaanba magaca deegaanka, taasoo ay marag kayihiin shacabka DDSI iyo cidkasta oo aan xaqiiqada iska indhasaabaynin. Waxaa cashir wax ku ool ah loo dhigay nabadiidkii caqabada ku ahaa horumarka shacabka iyo aayaha deegaanka kuwaas oo haatan guud ahaanba laga sifeeyay deegaanka iyadoo hadhaaga fikirkii UBBO uu hada bilaabay in uu soo jeedka ku riyoodo si ay u qanciyaan shaqsiyaadkii ay beenta lacagta kaga qaateen.

Xukuuumada DDSI ayaa waxaa kago'an in ay sii wadayso dadaalkan dheer ee maanta heerkan lagu gaadhay oo naf, maal iyo wakhtiba loo huray, iyadoo ay hubaal tahay in fikirada mandhalayska ah iyo dhaan-dabangaaluhu aysan marnaba caqabad ku noqon karin horumarka iyo nabadgalyada uu maanta deegaanku kutalaabsaday.shacabka deegaankuna uu yahay mid kadharagsan siyaasadaha laab-lakaca ah ee fadhi kudirirka ah oo aan lahayn wax ajende horumarineed ah iyo wax danta shacabka ah toona ah.