Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka Maamulka Magaalada Dh/buur oo Si Habsami leh U Dhacay.

Dh/buur(CN) Isniin 01,Sept.2014.  waxaa isugu yimid Hoolka shirarka ee magaalada dh/buur ee xarunta Gobolka jarar xildhibaanada maamulka magaalada dh/buur si ay u ansixiyaan miisaaniyada maamulka ee sanadka cusub islamarkaana u qiimeeyaan warbixinada waxqabadkii Maamulka magaalada dh/buur ee sanadkii tegay sidoo kalana hadal-qoraalkii kalfadhigii hore ee baarlamaanka Maamulka Magaalada.

kalfadhigan oo ahaa kii 3aad ee golaha xildhibaanada maamulka magaalada dh/buur isugu yimaadaan ayaa ay soo xaadireen xildhibaano ay tiradoodu dhanayd 70 iyadoona uu kalfadhigan hogaaminayay Afhayeenka baarlamaanka maamulka magaalada Dh/buur mudane Muxiyadiin Galool iyo ku-xigeenkiisa marwo Hinda Sanbal.

Afhayeenka ayaa idmay in qabsoomida kalfadhigu yahay aqbal kooramkuna buuxo marka loo eego tirada xildhibaan ee ka soo qaybgashay isagoona ka dib u qaybiyay golaha AGenda-yaasha ama qodobada horyaala aqalka baarlamaanka ee looga fadhiyo Ansixinta iyo falanqayntoodaba.

Mudane Muxiyadiin ayaa intaa ka dib ku soo dhaweeyay Codbaahiyaha Mayorka maamulka magaalada Dh/buur mudane Suldaan Maxamed Xasan(Khayre) si uu uga soo jeediyo guriga warbixintii waxqabadka maamulka magaalada ee sanad-miisaaniyadeedkii tegay ee 2006.T.I Mudane ayaa ka soo jeediyay warbixin aad u dheer oo ku saabsanayd waxqabadka Dhinacyada waxbarashada, caafimaadka,biyaha ,xoolaha ,beeraha ,dakhliga,ganacsiga ,Shaqo-abuurka, isgaadhsiinta, Quwada korontada,horumarinta shirkadaha iyo mashaariicaha kala duwan ee dhanka horumarka iyo kaabayaasha dhaqaale ee laga hirgeliyey maamulka magaalada dhagaxbuur ka dib xiligii uu baarlamaanka Deegaanku ansixiyay 4ta maamul magaalo.

Dhageysiga warbixntaasi kadib ayaa waxa ay xildhibaanadu suaalo ka weydiyeen warbixinti waxqabadka sanad-misaniyadeedkii 2006da masuulka, iyadoona uu si faahfaahsan oo waafi ah uu uga jawaab bixiyey suaalihi laga waydiiyay dhanka aqalka waxaana intaas kadib cod loo qaaday ansixinta warbixinta waxqabadka sanad-misaniyadeedki 2006da maamulka magaalada dh/buur taasoo ay codbuuxa ku meelmariyeen xubnaha baarlamaanka ee aqalka ku sugnaa.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa sidoo kale ku soo dhaweeyay microphoneka Masuuliyiinta u qaabilsan maamulka magaalada xafiisyada Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha mudane Qorane Gobyad islamarkaana guriga faahfaahin ka siiyay Cadadka sanad- miisaaniyadeedka 2007.T.I iyo shaxda Qulqulka kharasheed ee Mashaariicaha horumarineed iyo miisaaniyada caadiga ah ee maamulka sanadkan loo qoondeeyay isagoona uu masuulku intaa ku daray sharaxaad uu ka bixiyay ilaha ay miisaaniyadu ka kala timid.ka dibna ay codbuuxa ku ansixiyeen xubnaha baarlamaanku miisaaniyada Guud ee maamulka magaalada Dh/buur loo qoondeeyay sanadka 2007.