Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

ILA QOSOL:- Khiyaamadii Boqnaha

(CQ) isniin 01,sept,2014. waxaa saaxiib ahaa 5 nin oo mid ka mida yahay  waayo badan kuwaasoo u xayraan tagi jiray Magaalada hiwaayad ahaana isbidayay maaweelada caruurta ama dhalaan ka cabsiiska,iyagoo xeelado badan hadba sida ay ugu suurtoobayso baahidooda u mari jiray haday tahay xaditaan iyo xariifnimo kalaba.

maalin maalmaha ka mida ayaa ay 3ka mida 5tii ay ku heshiiyeen in ay Dukaan dahab ah u dhacaan si ay u soo xadaan dahabka ceegaagan balse waxay ku heshiiyeen in midkood gaadhka ka hayo labada kalena dukaanka galaan.ninkii ugu horeeyay ayaa gacanta dalaq siiyay balse dabin ka sokeeyay Godkii dahabku ku jiray ayaa hal gacan Gam ka siiyay intii gacantii shaadhka hoostiisa galiyay faruuryahana adkaysi dartii qaniinay ayaa uu aamusay.

saaxiibkii ayaa ku yidhi wax dahab ah ma soo qaaday markaasuu ku yidhi haa lkn waxaan ka xumahay gacan kaliya ayaan la galay oo wax yar soo qaaday balse adigu sxb labada gacmoodba la gal si aad dahab badan inoogu soo qaadid halkaasoo labadii gacmoodba sxbkii ku waayay,iyagoo aamusan ayay kii waardiga ahaa u yimaadeen iyagoo gacmuhu gaamuran yihiin markaasuu ku yidhi aynu ka qarsano 2dii kale inagaba inaguma filna guntinta gacmihiina ku jirtee kkkkkkk