Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI Mudane C/Fataax Siciid Oo Kahadlay Waxqabadka Wasaarada Caafimaadka DDSI.

Jigjiga(CN) Isniin-01-Sep-2014, Mudane C/fataax Siciid wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka DDSI oo intuu yimid isbadal muuqda kakeenay wasaarada caafimaadka DDSI ayaa kahadlay waxqabadka xafiiska caafimaadka iyo qorshayaasha ku aadan sanadka cusub ee 2007-da T.I.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay waxqabadka iyo guulaha lagaadhay sanadkii 2006-da isagoo tilmaamo kabixiyay qaar kamida qorshayaasha 2007-da oo dardar galinaya targetka horumarka dhinaca caafimaadka gabi ahaan deegaanka.

Wuxuu sheegay wasiirku in guud ahaan sectorka caafimaadka shaqooyin badan laga qabtay deegaanka sanadka 2006-da. Iyadoo adeega caafimaadka kor loo qaaday ayaa gaar ahaan xooga lasaaray caafimaadka dhalaanka iyo hooyooyinka kuwaas oo kaalin muhiima ka qaadanaya qorshayaasha yoolka Qarniga(Millennium Gooals-ka).

Mudane C/fataax Siciid waxaa uu sheegay in shaqooyin muhiima laga qabtay cudur-dilaaca hadana deegaanka uu san kajirin wax cudur dilaac ah islamarkaana lajoojiyay faafista cudurka dabaysha. Kahortaga iyo xakamaynta cudur-dilaacyada ayuu wasiirku sheegay in jawaabo dag-dag ah laga bixiyo muda kayar 24 saacna lagu xakameeyo iyadoo la isticmaalayo dhinacyo kala duwan (channels) kuwaas oo ay kamid yihiin Ciidanka Gaarka ah ee Liyuu booliska DDSI oo door muhiima ka qaatay xog-uruurinta iyo xakamaynta cudurka dabaysha taasina ay kor u qaaday warbixinta iyo xog uruurinta cudur dilaaca laguna guulaystay 90% boqolkiiba. Waxaa sanadkan labilaabay xarunta xog-uruurinta cudur dilaacyada (Field Epidemiology Center) oo ah xarunta kaliya ee bariga afrika taasoo sanad walba loo tababaro dhakhaatiir iyo xirfadlayaal islamarkaana larajaynayo in dalalka jaarka ahna loogu tababaro dhakhaatiirta maadaama cudur dilaacyadu aysan xad lahayn.

Wasiirku wuxuu kawar bixiyay barnaamijkii caafimaadka indhaha ee gobolada deegaanka lagasoo qabtay sanadkan kaasoo uu sheegay in ay xukuumada DDSI ka taageertay laguna daaweeyay 8700 oo qof halka indhaha loogu fiiqay (qalay) 2885 qof oo guud ahaan ay ka faaidaysteen toro dhan 11585 oo qof, iyadoo ay xukuumadu balanqaaday in ay sii balaadhinayso barnaamijkan islamarkaana laga qaban doono dhamaan degmooyinka.
 
Dhanka adeeg bixinta waxaa lagu guulaystay in kor loo qaado tirada iyo adeega baabuurta gar-gaarka dag daga ah (Ambulanciga) waxaana loo qaybiyay xarumaha caafimaadka taas oo sare gaadhsiinaysa adeega caafimaadka gaar ahaan bad-baadinta ilmaha iyo hooyada uurka ah. Iyadoo tababaro badan loo qabatay xirfadlayaasha caafimaadka ayaa sidoo kalena loo qaybiyay agabyada kala duwan ee ay u baahnaayeen. sidoo kale waxaa 23 dhakhaatiir ayaa Millennium Medical School oo ay ka caawisay wasaarada caafimaadka ee DFI. Waxaaa guud ahaan hosbitaalada laga hirgaliyay dib u habaynta qaab dhismeedka iyadoo sanadkana ay qorshaysantahay in lasii habayn doono boordhiyada hospitaalada iyo qaab dhismeedkooda.

Mar uu wasiirku kawaramayay qorshayaasha wasaarada caafimaadka DDSI ee sanadkan 2007-da ayuu sheegay in kor loo qaadayo awooda fulineed ee xafiisyada iyo xarumaha caafimaadka ee degmooyinka lagana caawin doono geedi socodkooda, in dadaal dheer loogu jiro sidii looga shaqaysiin lahaa dhamaan adeega uu bixinayo Males Referal Hospitaal kaasoo adeeg siin doona inkabadan 5 malyan oo qof, in labilabaayo talaalkii shubanka caruurta halka sano kayar kaasoo gaadhsiinaya guulaha yoolka qarniga ee dhinaca dhalaanka.

Sidoo kale wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay in qorshaha 2007-da uu diirada saarayo barnaamijka horumarinta sectorka caafimaadka (Health Sector Development Program) kaasoo dar-dar galinaya shaqada iyo islaxisaabtanka laguna gaadhayo targetka la hiigsanayo islamarkaana xawaare sare u yeelaya geedi socodka shaqo. Waxaa kale oo uu wasiirku intaas ku daray in kor loo qaadayo habka maaraynta xogta caafimaadka ee elctaroniga (EHMIS) kaasoo iskuxidhi doona guud ahaan xogta iyo hawlaha caafimaadka ee 68-da degmo iyo wasaarada caafimaadka ee deegaanka iyo tan federaalkaba, iyadoo ay wasaarada caafimaadka DDSI xoojisay xidhiidhka bah-wadaagta (Partnership-ka) wasaarada caafimaadka DFI iyo haayadaha caalamiga ah.