Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

jaaliyada DDSI ee galbeedka Australia (Perth) oo qado sharaf u sameysay Wafti Heer Federal ah oo uu Hogaaminayay Wasiirku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha.

Perth(CN) Isniin 01-Sept-2014.Gudiga jaaliyada soomaalida itoobiya ee ka dhisan Perth ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafti balaadhan oo ka tegay Dawlada Federalka itoobiya iyadoona uu waftigan uu hogaaminayay wasiir kuxigeenka wasaarada macdanta iyo biyaha DFI ato Tedros Gebregzahber waxaana wehelinayay Dr Ketsela Tadesse - Director of Petroleum Licensing and Administration of The federal Gove of Ethiopia. Safirka Ethiopia u Faddhiya AUSTRALIA Arega Tefferra iyo kuxigeenkiisa cusub Jamaal.

Hogaaminta jaaliyada oo ay hormuud u ahaayeen Gudoomiyaha mudane Cabdi-samad sooyaan iyo kuxigeenkiisa C/laahi Xirsi Rayfal ayaa waftiga Qado-sharaf u sameeyay ka dibna ay warbixin isku waydaarsadeen waftiga kagana wada xaajoodeen isbedelada dhaqan dhaqaale iyo dhismaha Biyo-xidheenka wayn ee abay iyo sidii kaalin xoogan ay Qurbajoogta ka soo jeeda jamhuuriyada federalka itoobiya meelkastooy joogaanba doorkooda uga qaadan lahaayeen. Sidoo kale waxaa laga wada hadlay heerka waxqabadka baaxada wayn iyo isbedelada Horumar,N/galyo iyo maamul suuban ee ay ku talaabsatay Xukuumada DDSI ee maanta talada deegaanka haysa mudadii yarayd ee ay hogaanka haysay taasoo abuurtay dal iyo dibadba xidhiidh ka dhex abuurmay jaaliyaadka iyo Dalka. sidoo kalana ay xukuumada maanta ka arimisa dadaal xoogan ugu gashay in aay soomaalida itoobiya meeqaamkii ay ku lahaayeen Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya ee Dawlad wadaaga ku heshiiyay taasoo sii xoogaysay isjacaylkii iyo wadanoolaanshihii walaalnimo ee qowmiyadaha dalka.

Waftiga ayaa ay jaaliyadu gudoonsiisay hadiyad-sharafeedyo ay ugu talogaleen soo dhawaynta iyadoona la isku afgartay in kulamo noocan oo kale ah dhawaan la isugu yimaado.