Wasiirka Arimaha Dibada Ee Dalka Masar Oo Sheegay In Masar Ay Ku Faraxsantahay Heshiiskii Saddex Geesoodka Ahaa Ee Todobaadkii Hore Kadhacay Khartuum.

Addis Ababa(CN) Khamiis-04-Sep-2014, Wasiirka arimaha dibada ee dalka Masar Sameh Shoukry oo maanta soo gaadhay dalka Itoobiya ayaa kulan kulayeeshay Wasiirka arimaha dibada ee DFI Dr.Tedros Adhanom, wuxuuna sheegay in Masar ay ku faraxsantahay heshiiskii ka dhacay magaalada Khartuum ee xarunta wadanka Sudaan dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee Agoosto oo ay saddex geesood ku ahaayeen dalalka Itoobiya, Sudaan iyo Masar.

Mr Sameh Shoukry ayay kawada hadleen Dr.Tedros Adhanom arimo badan oo ay kamid ahaayeen xidhiidhka labada dal, ayaa sheegay in sidoo kale heshiiskaasi uu kor u qaadayo xidhiidhka kadhaxeeya labada dal ee Itoobiya iyo masar. 

Heshiiskaasi kadhacay todobaadkii hore magaalada Khartum oo ay ku idlaayeen wasiirada biyaha iyo tamarta ayaa lagu heshiiyay in koox khuburo caalami ah ay  labo daraasaad ku sameeyaan Biyo xidheenka wayn ee dib-u-curashada Itoobiaya (Abbaay), kaasoo kaduulaya talooyinka iyo heshiiska lagaadhay.

Kasakow wabiga Abaay, waxaa kale oo ay labada dal ee Itoobiya iyo Masar heshiis ku gaadheen wadashaqaynta sectorada beeraha, caafimaadka, iyo dalxiiska.

Kadib markii uu wasiirku dhamaystay wadahadalka wasiirka arimaha dibada Dr.Tedros Adhanom ayuu sidoo kale kulan layeeshay R/wasaaraha DFI mudane HaileMariam Desalegn. Isfahanka labada dal ee dhinaca mashruuca biyo xidheenka wayn ee Abaay ayaa haatan ah mid diyaar u ah wadashaqayn, iyadoo uu kor u kacay xidhiidhkii labada dal ee Itoobiya iyo Masar.