Kalfadhigii 3aad ee Golaha Xildhibaanada Maamulka Magaalada Jigjiga Si Habsami Leh uga Qabsoomay Madasha Shirarka ee Maamulka.

Jigjiga(CN) Khamiis Sept,04,2014. Waxaa si habsami leh uga dhacay hoolka shirarka ee xafiiska maamulka magaalada jigjiga kalfadhigii 3aad ee golaha xildhinaanada maamulka magaaladu isugu yimaadaan iyadoona ay ka qaybgaleen Xildhibaanada iyo golaha capinetku.

kalfadhigan ayaa uu hogaaminayay Afhayeenka baarlamaanka Mudane Xaashi C/laahi ka dib markii la hubiyay in uu buuxo koramka ama tirada xildhibaanada soo xaadirtay ayaa uu idmay in uu shirku ansax yahay qabsoomidiisu afhayeenku islamarkaana uu si rasmi ah u furay kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka maamulka magaalada jigjiga halkaasna loogu qaybiyay ajandayaashii horyaalay xildhibaanada oo ay ka mid ahaayeen Ansaxinta xafiiska Beeraha maamulka,Ansaxinta Gudiga joogtada ah ee golaha xildhibaanada m.magaalada,ansaxinta hadal-qoraalka kalfadhigii hore,ansaxinta warbixinta waxqabadka sanadkii tegay iyo ansaxinta miisaaniyada sanad-miisaaniyadeedka 2007.T.I.

Kalfadhigan oo uu furay Afhayeenka ayaa uu codbaahiyaha ku wareejiyay madaxa xafiiska maamulka magaalada jigjiga mudane C/casiis Maxamed si uu golaha ugu soo jeediyo warbixintii waxqabadka sanadka 2006 ee maamulka magaalada jigjiga sidoo kalana uu sharaxaad ka bixiyo jajabinta miisaaniyada sanadkan 2007 loo qoondeeyay xafiisyada sida loogu saleeyay Qorshaha iyo waxqabadka xafiisyada u yaala.

Mudane C/casiis ayaa soo jeediyay warbixintii waxqabadka iyo faahfaahinta miisaaniyada sanad-miisaaniyadeedka 2007.T.I ee loo qoondeeyay xafiisyada iyadoona ay xildhibaanadu su'aalo ka waydiiyeen masuulka isagoona si waafi ah uga jawaabay dhamaan suaalihii halkaasna uu goluhu ku meelmariayay.

sidoo kale waxaa dhankiisa soo jeediyey waxqabadkii iyo qorshayaasha misaaniyada 2007da sida loogu saleeyay dhamaanba xafiisyada maamulka magaalada jigjgia madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha maamulka magaalada jigjiga mudane: c/risaaq maxamuud oo xildhibaanada uga warbixiyey sida ay misaaniyada Caadiga ah iyo ta mashaariicdaba loo qoondeeyay sharaxaad ka dibna waxaa ay xildhibaanadu ansixiyeen miisaaniyada sanadkan uu isticmaali doono Qaabdhismeedka maamulka magaalada jigjiga.

gabogabadii kalafadhigii 3aad ee golaha xildhibaanada maamulka magaalada jigjiga ayay xildhibaanadu cod buuxda ku ansixiyeen ajendayashi horyaalay aqalka.