Shir Jaraa'id Oo Madaxwaynaha DDSI Siiyay Warbaahinta Kala Duwan Ee Deegaanka.

Jigjiga(CN) Khamiis-04-Sep-2014, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka intii uusan u bixin dhanka magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka ayuu shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa, kaasoo ay ka soo qayb galeen saxaafada kala duwan ee deegaanka. Wuxuuna madaxwaynuhu ka warbixiyay xaalada guud ee deegaanka dhinaca horumarka, nabgalyada iyo maamulka suuban.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxa uu si qoto dheer uga waramay qorhsayaashii horumarineed ee u yaalay xukuumada sanadkii hore ee 2006. Wuxuuna sheegay in sanadkaasi uu ahaa sanadkii guusha horumarineed ee ay xukuumadu soo hoysay, taasoo deegaanka ay ka hirgashay mashaariicihii ugu waawayna ee dhinaca horumarka sida dhinaca biyaha oo ceelalkii ugu dhaadheeraa ee abid deegaanka laga qodo xadhiga laga jaray mashruuca dhismaha garoonka qabrihadar oo la dhamaystiray iyo waliba mashaariicaha horumarineed sida kuwa dhinaca biyo ururinta, caafimaadka, beeraha, waxbarashada, jidadka, isgaadhsiinta, laydhgalinta,  dib-u-dajinta, kor-u-qaadida koboca dhaqaalaha, dhimista saboolnimada, la dagaalanka aragtida dulsaarnimada, abuurida illasha shaqada ee haweenka iyo dhalinyarada.

Waxaa kale oo Madaxwaynuhu kawaramay dhinaca nabadgalyada oo laga soo hoyiyay guulo taariikhi ah haatana ay marayso heerkii ugu fiicnaa abid. Wuxuuna sheegay in dadaal dheer oo kuhaboon lagu cidhibtiray dhaqdhaqaaqii ururkii nabadiidka ahaa ee UBBO.

Warbaahinta ayuu madaxwaynuhu u sheegay in ay xukuumadu guulo laxaad leh kasoo hoyisay dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban, isagoo madaxwaynuhu sheegay in sanadka 2007-da T.I. laga duulayo dhinacyada horumarka ee mudnaanta leh oo ay ugu horayso biyaha.

Sidoo Kale ayuu madaxwaynuhu sheegay in xukuumadu ay la halgami doonto fikirada cidhiidhiga ah ee dulsaarnimada, mandhalaysnimada iyo nabadiidka islamarkaana laqadarin doono danta shacabka oo kaliya dhinacna la isaga dhigayo danaha shaqsiyaadka.

Ugu danbayntii madaxwaynuhu wuxuu tilmaamay sida ay xukuumada uga go'antahay dadaalka dheer ee ku qotoma danta shacabka kaasoo horseedaya horumar waara, nanadgalyo taam ah iyo maamul suuban.