Wasaarada Difaaca Maraykanka oo xaqiijiyay dilka Godane

Pentagon-USA(CN) Jimce Sept,05,2014. Hoggaamiyihii ururka argagaxisada Al-Shabaab ee loogu yeedho Axmed Godane, ayaa ku geeri yooday weerar ay Maraykanku ku qaadeen todobaadkan horaantiisii saldhigyo ay al-shabaab ku lahayd Soomaaliya gaar ahaan Baraawe oo ka mida Shabeelada hoose,

sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay in lagu guulaystay weerar ay Ciidamada cirka maraykanku ku bartilmaameedsadeen habeenkii isniinta ahaa Baabuur kolonyo ah oo uu saarnaa.

Waxa uu ka mid ahaa Godane dadka ugu muhiimsan Al-shabaab ee Maraykanku ay ku raadjoogeen.