Shir Ay Maanta Yeesheen Golaha Capinetka DDSI Ayaa Lagu Go'aamiyay U Ansixinta Tuulooyinkii Canfarta Ee Cadhayto, Candhuftu Iyo Gadhamayto Oo Ah Dhul Canfareed Sida Magacaba Ka Muuqata.

Jigjiga(CN) Sabti-06-Sep-2014, Shirkan ay maanta yeesheen Golaha capinetka deegaanka oo ahaa hal ajende ayaa waxaa cod buuxa lagu go'aamiyay ansixinta tuulooyinkii Canfarta ee Cadhayto, Candhuftu iyo Gadhamayto oo ahaa dhulka Qoomiyada Canfarta.

Go'aankan oo ay hada kahor go'aamiyeen gudi heer federaal ah ayaa sidoo kale waxaa qaatay gudiga heer deegaan oo isugu jiray Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka Baarlamanka DDSI Mudane Maxamed Rashiid Isaaq, Madaxwayne Kuxigeenka Mudane C/xakiim Cigaal Cumar, Wasiirka Waxbarashada Mudane Xasan C/laahi Riyaale, iyo Komishinka Ciyaaraha(sport) Mudane Maxamed Bile.

Waxaana maanta lagu ansixiyay shirkan ay yeesheen golaha capinetka iyo hogaaminta sare ee deegaanku go'aankaasi. 

Saddexdan tuulo oo xad laleh degmada Ma'ayso ee gobolka Sitti oo ay canfartu lahaan jirtay dawlada federaalkuna ay ogsoontahay ayaa hada kahor waxaa kajiray laba maamul oo Canfarta iyo Soomaalida ah. Wuxuuna go'aankan maanta si toos ah fulintiisu u bilaaban doontaa maalinta Isniinta ah ee fooda inagu haysa.