Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Jarar iyo Masuuliyiin Kale oo Kormeer Hawleed Ku Tegay Degmada Araarso.

Jigjiga(CN) Isniin Sept,08,2014. Gudoomiyaha maamulka Gobolka Jarar mudane; Cabdi Jamaal Axmed ayaa kormeer iyo indha-indhayn nidaamka adeegbixinta shaqada iyo sidoo kale heerka uu marayo barnaamijka biyo-arurinta kaydka biyaha ku tegay Degmada Araarso iyadoona ay Gudoomiyaha kormmeerkan ku wehelinayeen qaar ka mid ah masuuliyiinta Degmada kuwaasoo u kuurgalayay sida ay maamulka Ararso uga soo dhalaaleen taabogalinta qorshayaasha xukuumada maanta ee ku wajahan dhinaca biyaha oo kaga suntan jaantusyada shaxda Qorshaha xukuumada 1aad,2aad,3aad iyo 4aad taasoo ka turjumaysa latacaalida guud ahaan baahida biyo la'aaneed ee ka jirta deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa markii uu ka soo noqday kormeerkiisii ku wajahnaa xaqiijinta tayada iyo heerka ay marayaan hirgalinta barnaamijka biyo aruurinta barkadaha loogaga dhisayo kaydka biyaha Degmada Araarso si ay xoolaha iyo shacabka ka durugsan magaalada ay uga cabaan ayaa ku soo noqday Magaalada Araarso halkaasna Maamulada iyo qaybaha shacabka kula hadlay isagoona shacabka u sheegay in ujeedada socdaalkooda ay ku wajahnaayeen sidii loo sii dardargalin lahaa mashaariicaha horumarineed ee Sanadkan loogu talogalay Araarso loona xaqiijin lahaa waxabadkii sanadkii tegay.

Mudane Cabdi Jamaal ayaa si qotodheer uga faalooday Guulaha waawayn ee ay xukuumada maantu ku talaabsatay intii ay jirtay sida dhinacyada Hirgalinta Qorshayaasha horumarineed,N/galyo,Maamul suuban,Shaqo abuurka,isku-xidhka bulshada qaybaheeda iyo dhaadhicinta maamulka iyo Aragtida xisbiga ilaa heer tuulo waana mid mudan in aynu dhamaanteen u guntano sidii aynu uga faaiidaysan lahayn doorkeenanan uga qaadan lahayn Qorshayaasha iyo siiyaalada xukuumada ee ku astaysan qodobada kor ku xusan iyo adeegyada kalaba.

Dhankiisa Gudoomiyaha degmada araarso mudane: cumar sheikh axmed iyo Madaxa xafiiska Biyaha Degmada ayaa iyaguna tilmaamay in degmada araarso ay u qorsheysantahay in barnaamijka biyo ururinta ay ku soo gabagabeyaan rubuca 1aad ee sanad-misaaniyadeedka 2007da sidoo kalana ka warbixiyay wixii uga qabsoomay qorshihii sanadkii tegay iyo warbixinta guud ee waqabadka qaabdhismeedyada Degmada.

Dhanka kale Qaybaha bulshada ku dhaqan Ararso ayaa aad u bogaadiyay Qorshayaasha mashaariicaha horumarineed ee ay xukuumada maantu ka taabogalisay Degmada Araarso oo aan ka jirin ama soo gaadhin wax horumar ah intii ka horaysay xukuumada maanta hogaanka deegaanka haysa.