Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabad ay Ku Qalinjabiyeen Dufcadii 19aad ee Kuliyada Macalimiinta Deegaanka Ayaa Ka Dhacday Hoolka Shirarka ee Kuliyada.

Jigjiga(CN) talaado Sept,09,2014. Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada Tababarada macalimiinta Dr Cabdul-Majiid xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo ay ku qalin jabinayeen dufcadii 19 aad ee barashaasha Deegaanka ee waxbarashada Baris-barasho ku qaata kuliyada xiliyada Xagaaga ee ay Dugsiyada Deegaanku fasaxa yihiin kuwaasoo ay Tiradoodu dhan athay 1005 Bare. Munaasabada Qalinjabinta Barayaasha Dugsiyada H/Dhexe ee Deegaanka ayaa ay ka soo Qaybgaleen madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, afhayeenka baarlamaanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamed rashiid isaaq mareeyaha kuliyada mudane kamal sheikh maxamed masuuliyiin waalidiinta iyo asaxaabta ardayda qalin jabinaysay.

Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ka hadlay Xafladan ayaa u hambalyeeyay Qalinjabiyayaasha iyo Macalimiinta kuliyada ee la soo tacaashay Waxbarista Ardayda isagoona aad uga faalooday Yidhina Laga soo bilaabo xiligii ay Dalka ka curatay Dimoqraadiyada,Sinaanta iyo Sugida dhamaanba xuquuqaha dastuuriga ah ee Qowmiyadaha islamarkaana Qowmiyad kastaa heshay Dawlad-Deegaan ay iska leeyihiin maamulkeeda kuna horumariyaan Shacabka iyo Deegaankoodaba si ay kor ugu soo qaadaan Dhaqanka,Luqada,Dhaqaalaha iyo Adeegyada aasaasiga u ah horumarka sida Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,Beeraha,Technologiyada iyo kaabayaasha dhaqaale ayaa uu Deegaanku isagoo ka faaiidaysanaya Fursadaha Horumar-Dimoqraadiyadeed ee laga dhaxlay halgankii EPRDF ayaa uu Deegaanku la soo kacaa kufayay sidii looga najixi lahaa Fursadaha dimoqraadiyadeed ee ay shacabku u oomanayeen walow bilaw uu jiray.

Madaxwaynaha "Talisyadii Dhiigmiiradka ahaa ee soo maray Guud ahaan Dalka itoobiya ayaa Deegaanka soomaalida u dheerayd xaqiraad,xasuuq iyo waxbarasho la'aan sababtay in Dhalinyarada deegaanku ay awoodi kariwaayeen in ay wax ku bartaan Dugsiyada ka jiray Harar iyo Addis ababa maadaama deegaanku ka aradnaa dhamaanba adeegyada aasaasiga ah ahaana Xeryo Milatari.Inkastoo Deegaanka ay soo mareen Xukuumado laga soo dhexdoortay Deegaanka hadana culays lama saarin Dhinaca tayada Baris-Barasho iyo Manhajka Deegaanka oo iskuulada lagu qaadan jiray manhajyadii soomaaliya balse markii dhidibada loo aasay Xisbiga maanta talada Deegaanka haya ayaa salka loo dhigay Siyaasadaha Horumar.N/galyo,Maamul suuban iyo tayaynta Nidaamyada Baris-barasho ee Deegaanka taasoo midhaheedii yahay maanta in deegaanka ay ka jiraan 6 Kuliyadood iyo hal jaamacad dhamaan Gobolada iyo Degmooyinkuna uu ka jiro Dugsi Sare.

Madaxwaynaha ayaa carabaabay in Kuliyada Macalimiintu tahay warshad waxsoosaar taasoo soo saarta Aqoonta waxbarasho ee Deegaanku heerarka maanta la joogo ku gaadhay door muhiimana ka qaadato Qorshaha xukuumada ee ku wajahan Tirtirida Jahliga iyo saboolnimada kuwaasoo ah Cadawga 1aad ee uu leeyahay Deegaanku ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

Sidoo kale Madaxwaynaha madaxwaynaha ayaa sheegay in ay kuliyadani sanadkan soo saartay sida ku xusan Qorshaha barayaashii waxbarilahaa arday ka badan 50,000 oo arday kuwaasi oo ah ardayda u dhalatay deegaanka. wuxuuna madaxwayne cabdi maxamuud cumar ugu danbayntii ardayda qalin jabinaysa si qoto dheer ugula dar daarmay in ay cilmiga ay barteen si wadani nimo ah uga faa’iideeyaan bulshadooda meelkasta oo ay joobtaba.

Maareeyaha kuliyada waxbarashada macalimiinta ee Dr cabdimajiid xuseen DDSI mudane kamal sheikh maxamed ayaa si qoto dheer uga waramay soonyaalka taariikheed ee kuliyada marxaladihii ay soo martay iyo heerka ay maanta taagan tahay isaga oo ka waramay ardaydan maanta qalin jabisay culuunta kale duwan ee ay barteen iyo qaybaha ay u kala baxaan Ardaydan ka qalin jabisay kuliyada macalimiinta oo ah dufcadii 19 aad ayaa ah ardaydii xiliga xagaaga ama 2 bilood ee Sumerka waxka baran jiray K.W.M Dr cabdimajiib xuseen kuwaasi oo ay tiradoodu dhantahay 1005 arday kuna qalin jabiyay culuunta ee baranimada shahaadadooduna iskugu jirto Diploma iyo certificate oo iskugu jira 9 waaxood.

waxaana ugu danbayntii ardaydii gashay kaalmaha hore abaalmarimo gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyo afhayeenka baarlamaanka mudane maxamed rashiid isaaq