Tababar lagu Gorfaynayay Nidaamka Sharciyada Maalgashiga oo loo Qabtay Qurbajoogta u Dhalatay Deegaanka ayaa Maanta ka Dhacay Nogob Huteel.


jijiga (CN) 9.9.2014 Waxaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee nogob huteel tababar lagu lafa gurayay  nidaamka sharciyada wadanka ee ku qotoma dhinacyada maalgalinta shuruucaha ganacsiga, ka faa’iidaysiga xuquuqaha ay qurba joogtu ku leeyihiin dalkooda iyo deegaankoodaba  cashuuraha dakhliga iyo jihooyinka qorshayaasha horumarineed ee ay dajisatay xukuumada doorka ay qurba joogta u dhalatay deegaanku ay  ku leeyihiin hirgalinta qorshayaashaasi.

Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska xidhiidhka qurba joogta DDSI oo loo qaybtay 80 xubnood oo iskugu jira maalgashadayaal qurba joog ah  iyo kuwa hadda ku tala jira in ay deegaanka ka hirgaliyaan mashaariico maalgashineed oo dhinaca horumarka ah, waxaana tababarkaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay xafiiska xidhiidhka qurba joogta oo uu ka mid yahay wasiirka qurba joogta DDSI mudane Cabdibari Macalin Maxamed.

Waxaana ugu horayntii tababarkaasi furitaankiisii ka hadlay wasiirka xafiiska xidhiidhka qurba joogta mudane Cabdibari Macalin Maxamed oo ugu horayntii si diiran ugu soo dhaweeyay qurba joogta furitaanka tababarkan wuxuuna ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada tababarkan  uleeyahay qurba joogta fahan siinta nidaamka sharciga maalgashiga iyo ganacsiga  ee ku wajahan qurba joogta, shuruucaha cashuurta dakhliga iyo waliba ka faa’iidaysiga xuquuqaha ay qurba joogtu u leeyihiin deegaankooda iyo dalkoodaba.

Waxaa kale oo uu wasiirku dib u xasuusiyay qurba joogta soonyaalkii taariikheed ee uu soomaray deegaank iyo  heerka horumarineed ee uu maanta taagan yahay iyo waliba farqiga u dhexeeya itoobiyada shalay iyo itoobiyada maanta waxaa kale oo uu tibaaxay wasiirku in xukuumada DDSI  sanadihii ugu danbeeyay dadaalo dhaadheer  oo hirgalay u gashay sidii deegaanka loo gaadhsiin lahaa horumar aan soo noqod lahayn xasilooni buuxda kor u qaadida  koboca dhaqalaha, maalgashiga iyo xoojinta xidhiidhka qurba joogta deegaanka u dhalatay.

Sidoo kale waxa uu tibaaxay wasiirku tan iyo intii uu hirgalay xidhiidhka xukuumada iyo ka qurba joogta deegaanka u dhalatay  in ay sida muga leh uga qayb qaateen horumarka ka hirgalay deegaanka kuwaasi oo buu yidhi wasiirku sanadihii ugu danbeeyay ka sameeyay deegaanka mashiiriico aad u tiro badan fursado shaqana u abuuray muwaadiniin badan.

 

Tababarkan oo socondoona maalmaha fooda inagu soo haya ayaa waxaa cashiro ka bixinayay khabiiro ka socday xafiisyada cadaalada maalgalinta iyo ganacsiga waxaana la filayaa marka uu dhamaado in ay qurba joogtu fahan buuxa ka qaadaan dhinacyada maalgashiga  iyo ka faa’iidaysiga xuquuqaha ay qurba joogtu ku leeyihiin dalkooda.