Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Hogaaminta Ciidanka Booliska Gaarka Ah Oo Ay Qiimayn Uga Bilaabatay Xarunta Ciidanka Ee Garabcase.

Jigjiga(CN)-Arbaco-10-Sep-2014, Hogaaminta Ciidanaka oo ay ugu horeeyaan General C/raxmaan C/laahi, Gen. Cabdi Aadan iyo kornayl Cabdi Maxamed (Nusdariiq) ayaa waxay qiimaynayaan shaqooyinkii ciidanka gaarka ah ee waxqabadka sanadka dhamaaday ee 2006 T.I.

Hogaaminta ciidanka booliska gaarka ah ayaa sidoo kale waxay maanta ansixinayaan qorshaha 2007-da ee ciidanka. Waxaana halkaas lagu abaal marin doonaa saraakiisha iyo rajmantiyada kala duwan ee guulaha laxaadka leh soo hoyiyay gaar ahaan tirtirida iyo qabashada hogaamintii UBBO iyo dagaalkii u danbeeyay ee Alqushaash lagaga qabtay 7-da saldhig ee waawayn sida Lagalaay iyo Garaswayne. Ciidamada Liyuu police-ka oo ilaa wakhti xaadirkan ku sugan 4 saldhig oo 7-daasi kamid ah marka laga reebo 3 saldhig oo ay dawlada Somalia ku wareejiyeen.

Ciidamada Liyuu Police-ka oo nabadgalyada guulo taariikhi ah kakeenay ayaa sidoo kale door laxaad leh ka qaatay hawlaha horumarka deegaanka oo ay kamid yihiin jidadka, talaalka ka hortaga cudurada dadka iyo xoolaha, qodista baraagaha biyo uruurinta iyo garabsiinta shacabka oo ay ku xaqiijiyeen in ay yihiin kabihii shacabka.